HomeDANJIRE CAWIL OO KA HADLAY XILKA LOO MAGACAABAY, KANA JAWAABAY SU'AALO AY...

DANJIRE CAWIL OO KA HADLAY XILKA LOO MAGACAABAY, KANA JAWAABAY SU’AALO AY BULSHADU ISKA WAYDIISAY XAFIILATANKII SIYAASADEED EE KA DHAXAYN JIRAY SIILAANYO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay oo ah la taliyaha madaxweynaha ee ictiraaf raadinta iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Danjire Cawil, oo isagoo Hargeysa jooga u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo xilka loo magacaabay oo uu tilmaamay inuu u leeyahay khibrad iyo waayo aragnimo, waxaanu xusay in ictiraaf raadinta iyo ka midho dhalinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya tahay waajib saaran qof kasta oo reer Somaliland ah, “Marka hore waan soo dhawaynayaa magacaabista uu madaxweynuhu I magacaabay, waxaanan u arkaa kalsooni oo waxaan ahay nin kaalin ka qaadankara wada hadalada iyo ictiraaf raadintaba, marka la eego xidhiidhkaan la leeyahay dalalka jaarka iyo dunida kaleba. Markaas waan soo dhawaynayaa, waxaanan madaxweynaha la kulmayaa maalmaha soo socda oo aan kala hadlayaa sidii hawsha loo bilaabi lahaa, waanu ku mahadsanyahay madaxweynuhu.”

Danjire Cawil, wuxuu sheegay in hawsha loo magacaabay tahay qadiyad uu weligiiba jeclaa, isagoo da’ yarna uu u sameeyay inqilaab, “Qadiyadani waa qadiyad inoo wada taala, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana waa inaan ku qancino nimankaas walaalaheen ah inaanay dawladnimada Somaliland wanaag mooyee dhibaato u keenayn, isirnimada Somali ayaynu wada nahay ka Djibouti, Hargeysa iyo Muqdisho kuwa jooga, sida ay Carabtuba u wada tahay Carab balse ay kala dawlado u yihiin ayaynu inaguna u noqonaynaa laba dawladood oo walaalo ah, waa inaan walaalaheen ku qancinaa oo aan ka dhaadhicinaa in dawladnimada Somaliland aanay wanaag mooyee dhibaato u keenayn. Markaas qadiyadani waa qadiyad aan weligayba jeclaa inaan maruun ku guulaysto oo anigoo labaatan jir ah ayaan u galay inqilaab, waana hawl aan aaminsanahay inaan doorkayga inta uu doonaba ha leekaadee ka qaadan karo, ictiraaf raadintuna maaha hawl dawladda uun u taalee qof kasta oo reer Somaliland ah way u taalaa.”

 

Danjire Cawil, wuxuu wargeyska Geeska Afrika, weydiiyay sida uu u arko xilka uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, maadaama oo ay wakhtigii uu Daahir Rayaale Kaahin talada hayay aad ugu kala fogaayeen siyaasada, wuxuu yidhi Cawil, “Siyaasadu marxalado ayay soo martaa, markaas siyaasaduna cadaawad ma leh wakhtiga markaas taagan weeye, haddii aad istidhaahdo siyaaadu cadaawad ayay leedahay waad ku hodmaysaa. Markaas wixii aanu soo marnay waa marxalad laga soo gudbay oo waxaanu ahayn dawlad iyo xisbi mucaarad ah, maanta waxa muhiim maxay danta Somaliland ku jirtaa, yaa umadda wax la qaban kara.? Marka siyaasadda laga hadlayana madaxweynuhu ma eego kala duwanaanshaha aragtida siyaasadeed ee wuxuu eegaa in qofkaas uu ku tuhmayo khibrad iyo aqoon oo uu qaranka wax u qaban karo. Markaas marxaladaasi waa kuwo laga soo gudbay oo taariikhda galay, danta guud ayaana loo shaqaynayaa. Marka labaad, aniga iyo madaxweyne Siilaanyo khilaafkaas KULMIYE iyo UDUB ee dhawrka sannadood ahaa, waxa ka horeysay soddon sannadood oo aanu ahayn saaxiibo, cid walbana iskaga dhawayn.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories