HomeDanjire Cawil oo ka Hadlay Xaaladda Kulmiye

Danjire Cawil oo ka Hadlay Xaaladda Kulmiye

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahi, Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa sheegay in danta xisbiga KULMIYE ku jirto madaxweyne Siilaanyo oo ku dhawaaqa inuu xilligiisa labaad tartamayo oo aanu ka tanaasulin, si ayuu yidhi xisbiga KULMIYE looga badbaadiyo burbur soo waajaha sidii xisbigii UDUB.

 

Danjire Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu kaloo guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis ugu baaqay inay ololahooda la sugaan inta uu Madaxweyne Siilaanyo cadaynayo inaanu murashax ahayn.

 

“Waxa jira nidaam dawladeed oo adduunka oo dhami ku dhaqmo, madaxweyne markuu ku rsiga ku fadhiyo dastuurku wuu u ogolyahay inuu laba xilli istaago, haddii aan afkiisa laga maqlin doorashadii teeramka labaad waan ka hadhay;  ciddi inay ku tarto kursigiisa maaha, oo madaxweynihii ayaa xaadir ah oo kursigii ku fadhiya. Markaas waxaan qabaa inay khalad weyn tahay madaxweynihii oo aan ku dhawaaqin inuu teeramkii labaad ka hadhay in lagu tartamo murashixii madaxweynaha, waxaan qabaa inay nidaamka dawladnimada ka soo horjeedo.” ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay oo uu ku taliyay in KULMIYE jidkii xisbigii UDUB kaga badbaadi karo Madaxweyne Siilaanyo oo mar labaad isa soo sharaxa, “Xisbigii UDUB wuxuu ku burburay markii murashaxnimadii la isku qabsaday, xisbi taariikh leh ayuu ahaa, maantana xisbiga KULMIYE wuxuu isku haystaa murashaxnimo madaxweynihii oo weli jooga oo aan cadayn inaanu murashax ahayn. Waxa weeye in madaxweynaha afkiisa laga sugyo inaanu murashax ahayn, haddii aanu taas iclaamin waa inay ka xishoodaan inay garab yaacaan, waxaanan qabaa xisbiga KULMIYE halkuu maanta marayo waxa qudha ee uu ku badbaadi karaa waa madaxweynaha oo murashaxnimadiisa cdeeya oo sheega inuu murashax yahay, wixii intaas dhaafsiisani waxay noqonaysaa in xisbigu sii kala jajabo oo waa xisbul xaakimoo saamayn ayuu ku yeelanayaa nabadgelyada iyo sumcadii dibadda, waxaan qabaa markaas badbaadu waxay ku jirtaa madaxweynaha oo is sharaxa mar labaad.”

 

 

Ugu dambayn wuxuu farriin u diray labada siyaasi ee sida ba’an ugu tartamaya bedelaada Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi “Maxamed Biixi iyo Muuse Biixi waxaan leeyahay ha sugaan inta madaxweynuhu ku dhawaaqayo inaanu murashax ahayn, hana ogaadaan inaanay siyaasadu cadaawad lahayn oo iyaga qudhoodu haddii madaxweynuhu ka hadho ay si hufan u tartamaan, laakiin sidan ay imika wax u socdaan si fiican maaha. Waxaanan qabaa in loolankani  xataa dawladnimada naaqusinayo, duniduna way ina daawanaysaa oo ma nihin dad meel ku xaraysane waa la inala socdaa.”

 

Xigasho: Geeska

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories