HomeDanjire Cawil Kormeer Ku Maray Wershadaha ugu Waaweyn Dalka Shiinaha, una soo...

Danjire Cawil Kormeer Ku Maray Wershadaha ugu Waaweyn Dalka Shiinaha, una soo Bandhigay sidii ay Maal-geshi uga Samayn lahaayeen Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Beijing (SLpost)- Safiirka Somaliland u fadhiya dalka China, Danjire CAwil Ibraahim, ayaa kormeero u kuurgal ah ku tagay Xarumaha  qaar ka mida Wershadaha ugu waaweyn Wax-soo-saarka dalka Shiinaha.

 

blank

 

Safiirka Somaliland Amb Cawil Ibraahim oo dhawaan madaxweyne Biixi u magacaabay xilka, ayaa ugu horeyn kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta shirkadaha ugu waaweyn dalkaasi, waxaana shirkadaha uu booqday safiirku kamida wakhtigii koobnaa ee uu hadda ku jiray shaqada shirkada ugu weyn ee Soosaarta qalabka dhismaha ee dalkaasi china, kaas oo kulamo la qaatay Masuulka ugu sareeya Shirkadaaasi iyo Mulkiilaha waxaana ambassador Cawil oo ka duulaya sidii ay Sharaa’iga dunidu ugu soo dhiiran lahaayeen Maalgashi ay ku sameeyaan Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo uu sharraxaad dheer ka siiyey horumarka balaadhan ka jira iyo sida shirkadaha caalamka ugu soo dhiiranayaan Maalgshi ay ka sameeyaan.

 

Waxa uu usoo jeediyey Mulkiilaha in shirkadda inay ku yeelato wakiil ka shaqeeya Somaliland sidaasi daraadeedna Qaranka Somaliland u damaanad qaadayaan in hirgalinta maalgalineed ay dalka la yimaadaan iyadoo lagu soo dhaweynayo Gacmo furan.

 

blank

 

Dhanka kale waxaa uu safiirku safar shaqo ku tagay gobolka dhaca Barriga China ee lagu magacaabo Shandon oo uu kulamo kala duwan kula qaatay mulkiilayaasha iyo maamulka ugu sareeya shirkada soosaarta milixda oo ah shirkada ugu weyn dalkaasi, waxaana safiirku faahfaahin iyo xogo muhiima ka siiyey sida dalka somaliland uu u yahay qaran u dihin maalgashiga iyo sida ay dawlad ahaan usoo dhaweynayaan,taas oo ay uga mahad celiyee booqashada safiirka iyo sida ay qaran ahaan usoo dhaweynayaan maalgashi ay ku sameeyaan dalka jamhuuriyada Somaliland.

 

blank

 

Inta la ogyahay shirkadan soosaarta milixda ee ugu weyn dalka china ayaa Maalgashi kala duwan ku sameysay dalka aynu jaarka nahay ee djabouti oo ay ku maalgalisay lacag gaadhaysa ilaa 20 milyan oo dollar kana hirgalisay mashaariico kala duwan oo wax badan ka taray dalkaasi, waxaana safiirka Somaliland u fadhiya dalka china Amb Cawil Ibraahim Isla qaateen sidii shirkadahan kala duwano ay mustaqbalka dhow uga sameyn lahaayeen maalgashiyo kala duwan dalka Somaliland.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN OO MUUQAAL AH

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories