HomeDanjire Cawil Cali Ducaale Oo Ka Hadlay Ahmiyada Ay Wada-adaladu Ugu Fadhiyaan...

Danjire Cawil Cali Ducaale Oo Ka Hadlay Ahmiyada Ay Wada-adaladu Ugu Fadhiyaan Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa  (SLpost) Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa si mug leh uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, isagoo tilmaamay faa’iidada Somaliland ugu jirta wada hadalada socda

 

blank

 

Danjire Cawil, oo ah la taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha ictiraaf raadinta iyo wada hadalada, wuxuu baaq farriin ah u diray siyaasiyiin iyo xildhibaano mucaarad ah oo uu kula taliyay inaanay qaddiyada wada hadalada u adeegsan mucaaradad, isagoo sheegay in haddii Somaliland ka baxdo wada hadalada ay dunidu ka qaadan karto sawir khaldan. Waxaanu Cawil Tusaale u soo qaatay laba qodob oo kala ah sida ay Yuhuudu ugu ololayan jirtay in Carabtu diidantahay wada hadal iyo sida uu markii dambe doodii Yuhuuda u wiiqay safarkii uu magaalada Talaabiib ee Yuhuuda ku tagay Madaxweynihi Masar Anwar Saadaat. Sidoo kale Wuxuu Cawil ka hadlay soo jeedin uu madaxweynaha dalka Yuganda Yuweri Museveni u jeediyay Marxuum Cigaal sannadkii 1994, kulankaas oo uu Cawil goob joog u ahaa.

 

 

 

Cawil, oo isaogo Hargeysa ku sugan shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, wuxuu isagoo ku soo hal qabsanaya siyaasiyiinta ku baaqa in wada hadalada Somaliya laga baxo uu yidhi “Maalmahan waxaan warbaahinta ka arkaa siyaasiyiin ama xildhibaano odhanaya hala joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, joojinta ka sokow, kuma daraan wax tallo ah oo badiil u noqota wada hadalada halkaan uga gudbayno haddii aan ka baxno.” ayuu yidhi danjire Cawil, waxaanu intaas raaciyay “Shirkii London dhawr iyo konton dawladood ayaa isku raacay inay wada hadlaan Somaliland iyo Somaliya oo arrintooda si nabadgelyo leh ku dhamaystaan, markaas markaad eegto miisaanka dawladahaasi leeyihiin waan ku qasbanaahay inaan wada haadalada la sii wadno Somaliya. Wada hadal waxa ka maaga am diida cid aan qadiyadooda si buuxda ugu kalsoonayn, inagu qadiyadeena waan ku kalsoonahay, wax shaki ahina  inagama jiro, aynu iska dhawrno hadalada u muujin kara beesha caalamka fulaynimo inaga muuqata iyo inaynaan kalsooni ku qabin inaynu horfadhiisano Somaliya. Yaan la inaga qaadan dareen ah in cabsi inaga muuqato, wada hadalada dawladuhu ma diidi karaan, dunida cid wada hadal diidi kartaa ma jirto hadday tahay Marayikan iyo dawlad kaleba. Dawladaha adduunka ka jira wada hadalo ayaa u socda maalin kasta nooc kasta ha noqdo, dawladnima ma diidi karto wada hadal si aan rayul caamka adduunku uga jeedsan.”

 

 

 

Danjire Cawil, oo soo xiganaya sida uu Anwar Saadaat, madaxweynihii hore ee Masar diblomaasi ahaan uga guulaystay Yuhuuda, markii uu wada hadalka la furay wuxuu yidhi “Carabta, ayaa muddo dheer odhan jirtay Yuhuuda la hadli mayno, rayul caamkii beesha caalamku wuu ka jeestay oo waxay la safteen Yuhuuda oo ku doodaysay annagoo Carabta dhul badan ka haysana oo kanaalkii dhinac ka fadhina oo magaalada Port Siciidi 500 oo mitir noo jirta ayay Carabtu diidanyihiin inaan wada hadal isugu nimaadno. Laakiin Anwar Saadaat oo ahaa siyaasi caqli badan ayaa arkay dhibaatada arrintani ku hayso qaddiyadda Carabta iyo beer laxawsiga ay Yuhuudu arrintaas kaga faa’iidaystaan, waa kii ka degay magaalada Talaabiib 1977, taasi waxay keentay in beeshii caalamku Carabta u soo jeestaan Yuhuudana culays la saaro, laguna qasbo raysalwasaarihii Yuhuuda ee wakhtigaas Mr. Menachem Begin inuu heshiiskii Camp David la saxeexdo Anwar Saadaat, culays la saaray ayay ahayd oo beesha caalamku saartay.”

 

 

 

Cawil oo tilmaamaya sida ay Yuhuudu uga cadhootay dareen ahaan dagaalka diblomaasiyadeed ee Anwar Saadaat wuxuu yidhi “Markii Anwar Saadaat la dilay ayaa wiil uu dhalay raysalwasaarihii wakhtigaas ee Yuhuuda Mr. Menachem Begin,  oo ooyaya ayaa u soo galay aabihii oo raysalwasaarah aahaa, wuxuu ku yidhi war baa imika soo dhacay oo sheegaya in Anwar Saadaat la dilay, Begin ayaa wiilkiisii ugu jawaabay nacas ayaad tahay ma waxaad u ooyayaysaa cadowga qudha ee ay Israa’iil leedahay ee ina dhaafay, kaas oo adduun weynihii inala safnaa inaga kaxaystay.”

 

Cawil wuxuu hadalkiisa ku sii xidhay, “sidaas Carabta haysatay ee uu Anwar Saadaat takoorkii ka saaray ayaa dawladii diida wada hadal culays la saarayaa. Markaas waxaan leeyahay weligaa lama diido wada hadal markaad dawlad tahay, lama arag dunida dawlad wada hadal diida, dawladii diidana dunidaa takoorta.”

 

 

Isagoo Cawil soo xiganaya kulan dhex maray Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Yuweri Museveni sannadkii 1994, wuxuu yidhi “Sannadkii 1994 ayaan Cigaal u raacay kulan uu la lahaa Museveni, waxa la socday saddex wasiir oo kala ahaa Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo ahaa wasiirkii duulista, Yuusuf Sheekh Ibraahim oo ahaa wasiirkii hawlaha guud iyo Deeqa Colujoog oo ahayd wasiirkii madaxtooyada, aniguna waxaan ka raacay Nayroobi. Cigaal wuxuu Museveni uga waramay qaddiyadda Somaliland, waanu  ku qancay Museveni, laakiin wuxuu Cigala ugu jawaabay “Cigalaoow wax fiican ayaad qabsateen nidaam iyo dawladnimo ayaad dhisateen, haddii Somaliya wax noqon weydo waa cadaalad darro inaad u dabranaataan Somaliya, Cigaaloow ma iga balan qaadaysaa in haddii aan ku ictiraafo aad markay Somaliya dawlad dhisato aad wada hadal la bilaabi doonto, waayo waa lagama maarmaan labadiinii dawladood ee is raacay in maantana idinkoo walaalo ah si wanaagsan u kala baxdaan, wuxuu Cigaal ugu jawaabay, “Haa waan kaa balan qaadaayaa waayo arrimo badan ayaa naga dhexeeyo oo aanu ka wada hadli doono.’ Markaas wuxuu dareenkaas Museveni tusaale ka yahay mudnaanta dawladuhu siinayaan wada hadalada.”

 

 

Ugu dambayn Danjire Cawil, oo la hadlaya siyaasiyiinta Somaliland wuxuu yidhi “Waxaan markaas siyaasiyiinta iyo xildhibaanada sidaas uga hadla wada hadalada ka codsanayaa inaanay qaddiyadeena u istimaalin mucaaradad maalmo ah, waayo qaddiyadu way ka weyntahay wax sidaas oo kale loo isticmaalo.”

 

 

Somalilandpost. Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories