HomeDanjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka dareen-celiyey Xilka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka dareen-celiyey Xilka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Digreeto uu shalay soo saaray Madaxweynaha Somaliland,ayaa waxa uu ku magacaabay Sagaal masuul oo isugu jira Safiirro iyo safiir-ku-xigeennada Somaliland u fadhiya dalalka Itoobiya, Jarmalka, Norway, Sucuudiga, Yemen, Koonfur Afrika, Ingiriiksa iyo Midowga Yurub, halka uu sidoo kale xilalka ka qaaday masuuliyiintii hore u haysay xilalkaas.

blankShakhsiyaadka uu Madaxweyne Biixi xilalka u magacaabay waxa ka mid ah Suxufiga ruug-caddaaga ah ee Barkhad Maxamuud Kaariye oo Madaxweynuhu u igmaday inuu qaranka uga wakiil noqday xilka Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya.

Haddaba, Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo ah Suxufi ka soo shaqeeyey warbaahinta maxalliga iyo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da, muddooyinkii u dambeeyeyna ahaa Macalin duruusta saxaafadda ka dhiga Jaamacadda Hargeysa, ayaa mar uu maanta saxaafadda qaarkeeda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka dareen-celiyey Xilka madaxweynuhu u magacaabay.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Safiir ku-xigeenka

 

Taariikhda Safiir ku-xigeenka oo kooban

Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa uu Waxbarashadiisa Dugsiyada Hoose, dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Hargeysa iyo dalka Ethiopia.

Dajire Barkhad waxa uu sidoo kale Jaamacadda Hargeysa ka diyaariyay Shahaadada sare ee Deraasaadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka.

Shahaadooyinka Sharciga iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ka qaatay Jaamacado Hargeysa ku yaalla, isla markaana wuxuu Culuunta Saxaafadda ku Bartay magaalooyinka Hargeysa iyo Nairobi ee Kenya iyo Somaliland.

Wuxuu waxbarashada derejada labaad ee Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Dibloomaasiyadda ku bartay Jaamacadda Kampala ee Yugaandha.

Waxa warbaahinta Somaliland kusoo biiray sanadkii 2005, isagoo markaa shaqadii u horreysay ka bilaabay 2005-tii Wargeyska Ogaal oo magaalada Hargeysa ka soo bixi jiray, kaas oo markii danbe ka noqday Tifaftire guud.

Sidoo kale, waxa uu ka shaqeeyey hay’addo warbaahineed oo gudaha ah iyo kuwo dibedda ah, isagoo kasoo shaqeeyay Idaacadda BBC. Waxa kale oo uu kasoo shaqeeyay Idaacadda VOA oo uu ka gaadhay masuulka u sarreeya Somaliland u jooga. waxaanu noqday tabobbare saxaafadeed.

Barkhad Kaariye, wuxuu muddooyinkii dambe Macallin ka ahaa Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacado kale, Wuxuu Shahaadada PhD ku diyaarinayaa dawladnimada, nabadda iyo horumarka ka dhigtaa Jaamacadda University For Peace ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, wuxuu xubin ka ahaa Guddiga Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ahaa xubin fir-fircoon, isla markaana ahaa shaqsi dedaal badan sameeyay oo ka dhex ifayay saxaafada Somaliland oo lagu majeerto akhlaaq wanaagsan, deganaan iyo dabeecad wanaagsan oo ixtiraam badan u muujiya dadka ay kulmaan iyo kuwa ay mihnada saxafada ku wada jireen oo ay ka muuqdaan furfurnaan iyo astaamo dublamaasiyadeed.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories