HomeDanjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo Faahfaahiyey Hawlaha Safaaradda Somaliland ee Ethiopia u...

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye oo Faahfaahiyey Hawlaha Safaaradda Somaliland ee Ethiopia u qabato Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya Oo Ka Waramay Hawlaha Safaaradda Itoobiya U Qabato Bulshada Somaliland Ee Dalkaas U Safraysa iyo Jaaliyadda Degan Itoobiya.

Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalkaasi Itoobiya Md Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in Safaaradda Somaliland ee dalka Itoobiyaha tahay halbowlaha fududaysa hawlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, dabooshana baahiyaha bulshada ee dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka,Ganacsiga iyo dalxiiska ee dalkaasi u tagaya.

blank“Waxanu ka caawinaa socotada oo saddex qaybood ah, sida dadka hakadka (Transit) ku galaya Itoobiya, kuwa u socda dalka Itoobiya, waxaanu u fidinaa adeegyada dawladi u fidiso dadkeeda, waxaananu aaminsan” Ayuu yidhi Ambassador Kaariye oo u warramayey Warbaahinta Dawladda

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in sannadkan tahay 25 guuraddii mudadii uu furnaa xafiiska Somaliland ee dalka Itoobiya, taasina tahay in muddo dheer laga shaqaynayey sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in safaaraddu si nabad qab ah loo soo celiyey 435 Arday kuwaasi oo si nabad qab ah loogu soo celiyey deegaankoodii taasi oo ah
“ Waxaanu xusayno ee qaranka guulaha u ah ee aanu ku malayno Madaxwaynaha JSL, Wasaaradda Arrimaha dibada oo aanu farac ka mid ah nahay,in guud ahaan waxa ka dhacay mandaqada iyo cudurka Karona Fayras in 435 Arday si nabad qab ah loo soo badbaadiyo oo dalka lagu soo celiyo, taasi oo aanu dawlada Itoobiya uga maahadnaqayno in ardaydaasi degenaashiyo ku helaan bilaash”

Safiir Barkhad, waxa uu sheegay in sannadkan 2021 la xoojiyey deeqaha waxbarasho oo la helay 450 Arday oo dalka Itoobiya ugu deeqday Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo qaranka mihiim wayn u ah bulshaduna si wayn uga faa’idaysan doonaan.

Dhinaca kale, safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu sheegay in si shaqadu u wanaagsanaato la kordhiyey saacadihii shaqada taasi oo bulshada u sahlaysa inay deg deg u helaan baahiyihii safaarada ee bulshada.

“ Dadka reer Somaliland sida loola shaqeeyo waxay qayb ka yihiin xidhiidhka Somaliland iyo dalka Itoobiya, dad badan ayaa xaggaa degen waxaanay qayb ka yihiin oo u baahan adeegyada safaarad laga helayo, waxanu samaynay kaadhka aqoonsiga Jaaliyada Somaliland ee ku nool dalka Itoobiya, waxaanu tarayaa in qofkaasi helo wax kasta oo uu u baahan yahay oo aqoonsi wuxuu qaban lahaa uu qabto. Waxaanu fahansanahay in arrimaha amnigu yihiin waxyaabaha xoogga la saaro oo sugnaashaha amniguna qayb ka yahay”

Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu farriin u diray dadka u tagaya dalka Itoobiya Caafimaadka isagoo u soo jeediyey in qofkasta oo dalkaasi caafimaad u imanaya uu qaato baadhistii ay hore u sameeyeen dhakhaatiirta uu maray ee dalka gudihiisa, iyadoo turjumaanada dadku kaxaysanayaan lala xisaabtami doono oo safaaraddu dabagali doonto.

“Arrinta caafimaadku waxay keentay inaanay helin adeegyadii ay u baahnaayeen, mararka qaar ayaa wakhtigu kaga lumaa iyagoon helin kay u baahnayeen. Waxa sharaf noo ah oo uga mahadnaqanayaa dhakhaatiirta Somaliland ee ku nool dalka Itoobiya ama wax ka barta in dadkaasi la caawin karo. Qofka Itoobiya soo gala in lala kulmo oo loo tilmaamo dhakhtarka ugu haboon”

Gabagabadii Safiir ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya waxa uu bulshada u soo jeediyey in mawaadiniinta reer Somaliland inay xog raadiyaan wakhtiga aanay tagin oo safaaradda la xidhiidhaan. Sidoo kale, mar walba inaynu dhawrno shuruucda labada dal.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories