HomeDanjire Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Xafiiska Kenya Ka Furanayso Hargeysa iyo...

Danjire Baashe Cawil Oo Ka Hadlay Xafiiska Kenya Ka Furanayso Hargeysa iyo Meeqaamkiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland.

 

Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa.

blank

Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe Cawil.

 

“Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha iyo dhaqalaha.

 

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto.

 

Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories