HomeDaneyste Iyo Dawarsade!

Daneyste Iyo Dawarsade!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Sidaad ku taqaano dawarsaduhu waa qofka umadda kale waydiista iney wax taraan waliba iney cuno ka helaan, hu, siyaan amaba siyaaba kaleba gacan u weydiistaan iyagoon wax abaala iyo amaaha toona qofka ugu heyn, maalinba meeshi ay wax ka helaana taga ama jooga uun, ma jirto haba yaraatee wax iyaga ka galey kii shaley wax siiyey inuu isaga laftiisu maanta baahan yahey taasi haba danbeysee inaaney aqoonsan baaba dhici karta, waana darajo marka aynu miisanka saarno haddeynu nahey umadda soomaliyeed noqoneysa mid aad u liidata dad badanina ka door bidaan geerida.

Waxaan taa aan haddaba ka meeqaam hooseyn Daneystaha, waa kalidii noole aan dadka kale la rabin horumar iyo iney gaadhaan wax libin ah haba yaraatee, wax kalena aan kaba fakarin tooda mooyee, farxada umadda kale waa u murugo iyo is ciil-kaambi, waxey markasta hiifaan oo haaraan wakhtigii farxadaa iyo reyn reyntaa la gaadhayey halkii ay ku maqnaayeen. Wajigooduna la madoobaada murugiyo ciil. Ma ogola inay mar qudha cid kale wax u huraan, haa haddii ba ay dhacdana waa ku dirqi iyo tu xun.

Diinteena wanaagsanina waxey marwalba iyo goor walba dhiiri galisaa in ay dadka muslinka ahi meelkastooy joogaan gacan isa siiyaan wanaagana isla jecladaan.

Sida ku cad hab-dhaqanka Rasuulkeenii suubanaa (NNKH), waxa uu hadal iyo ficilba ku muujin jirey in waxa uu naftiisa la jecel yahey walaalihiina la jecel yahey taasi waxa kaga dayday inbadan oo ka mida asxaabtiisii  qaaliga ahaa.

Waxa laso wariyey Xadiis saxeexa oo odhanayey (MIDKIINA MUU RUMEYNIN ILAA UU LA JECLAADO WALAALKII WAXA UU NAFTIISA LA JECEL YAHEY), waxa kale oo ku cad xadiis samaawiya (ALLE WUXU GARABKIISA JIRAA ADOONKA INTA UU ISNA WALAALKII GARABKIISA JIRO),waa arin milgaheeda leh haddii sideeda loo raaco, waxey farxadaadu dhameys tirantaa marka lagula qeybsado, guul aad gaadhey oo aad farxad iyo reyn reyn ku heshay walaalkaan uu murugo iyo muraara dilaac ka qaadey guul laguma magacaabi karo, xataa ka kula tartamaya ayaa mararka qaar gacan loo fidiyaa, Miyaad yaabtey! Haa, oo adiga waxbaba kaagama xumaanayaan, wax kuugu hagaaga mooyee.

Haddaba adaa dooran kara inaad dawarsadahaa la meeqaam noqoto iyo inaad ka wadiiqo kale qaadidba, waa nin iyo garaadkii.

W/Q- Hibo Ciise Maxamed

Email: hibafaakhir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories