HomeDAN-JIRE Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka &...

DAN-JIRE Baashe Cawil oo ka hadlay ujeedada socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka & Baadhitaano Hay’adaha amaanku ku wadaan TARTAME Ismaacil Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Safiir Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL socdaal gaar ah ku tegi doono dalka Imaaradaha Carabta, qaadan doona muddo toban maalmood.
Wareysi shabakada SomalilandSpan.com wax kaga weydiisay Amb Baashe Cawil Cumar, isagoo ku sugan magaalada Dubai,sababta keentay in dalka Imaaraadka laga soo mustaafuriyo nin lagu magaacaabi Ismaaciil Cumar Madar, oo Somaliland u dhashay ayaa sheegay in ninkaasi maanta ciidamada Amaanka Somaliland ku qabteen isagoo ka dhoofaya madaarka Cigaal una socda dalka Qatar.
Shirkadda FlyDubai oo lacag gar-gaar ah ugu deeqday Somaliland iyo Danjire Baashe oo ka hadlaySafiir Baashe Cawil oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaarada Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah.
Balse markuu soo gaadhay Dubai, waxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah wadamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.
Mar la weydiiyey, hadii aan laga soo mustaafurin Dubai, maxaa keenay inuu sidaa warbaahinta ka sheego, ayuu ku jawaabay,

Ismaaciil Cumar Madar
Ismaaciil Cumar Madar
“Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guuldaraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u bedeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.
Markaa sababta ciidamada Amaanku u qabteen maxaa loo fasiran karaa, oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan,markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.
Dhinaca kale safiirka Imaaradaha Carabta Baashe Cawil ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha JSL uu booqasho gaar ah, ku iman doono manta magaalada Abu Dhabi, waxaanu yidhi,
“Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed (Siilanyo) iyo Marwadiisa, & wefdi la socda ayaa maanta booqasho ku imanaya dalka Imaaradaha Carabta. Booqashadan oo mid gaar ah, muddo toban maalmood qaadan doonta, insha alaah,” isagoo raaciyey.
“Waxa booqashadan ku whelinaya, Wasiirka maaliyadda, wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories