HomeDamanaanta Somaliland, Dabinka Ingiriiska iyo Dawga Sharci

Damanaanta Somaliland, Dabinka Ingiriiska iyo Dawga Sharci

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
  • Waxa beyahan dambe aad lulmaysay dabyl siyaasadeed oo madaw iyo caad gelisay masiirka siyaasadeed ee bulsho waynta Somaliland, taasi oo ka soo burqanaysa ujeedada Shirkii London ee layskugu yeedhay Kooxaha Somalilada oo ay dabcan Somaliland-na ka mid ahayd, markaanse arrigti sharci ku fiirino waxay su’aasha lays-waydiinayaa tahay, maxay Somaliland ka soo hoysay shirkaasi khasaare iyo Faa’iido ?.
  • Si aan su’aashaasi jawaabteeda u hello, waxaynu dib u xasuusan karnaa arragtida taariikheed iyo qaanuuneed ama siyaasadeed ee uu dalkani leeyahay.
  • Shacabka Somaliland waa mid taariikh ku leh saaxada qoraayada iyo buugga Suugaanta, waana ummad aan weligeed maamul siyaasadeed iyo dawladeed aan la wadaagin Somaliya inteeda kale
  • Waxaad dareemi kartaa taariikh ahaan qarnigii 10aa ilaa 15aad , woqooyiga Somaliya (Somaliland) , waxaa maamul ahaan gacanta ku haysay siyaasad ka soo jeeda Dawladaha Carabta oo ahayd maamulkii Cusmaaniyiinta, halka qaybaha kale ee Somaliya uu xuku maayay maamulkii Burtuqiiska.
  • Halkaana ay ka caddahay kala duwanaanta taariikheed iyo siyaasadeed ee qeexaysa in aanay weligood labadan dawladood maamul ku midoobin.
  • Dhamaadkii qarnigii hadda la soo dhaafay oo ay quwadaha waawayn ee Reer Europe u tartameen qaybsiga khayraadka Qaaradda Madaw ee Africa, isuguna tegeen magaaladda Berlin, sannadkii 1884-1885, waxay ku heshiiyeen qaybsiga Africa, una qaybsadaan wadamada kala ah Ingiriis, Faransiis, Talyaani iyo Jarmal, taasi oo Somaliland qayb u raacday Dalka ngiriiska, halka Somalida Koonfureedna raacday Talyaani, qayba kale oo Somaliyana la hoos geeyey Kenya iyo Ethiopia, Faransiisna waageertay qaybta hadda loo yaqaano Dajibouti.
  • 1960 waxay Somaliland u jibootay in ay la midawdo Somaliyada Koonfureed, kadibna kala soo noqotay la midawgaasi, 1991, kaas oo macnaheedu yahay midnimo ka  noqosho, balse aan ahayn  dal laba meelood u kala go’ay, sababtuna tahay xataa gumaysigii ka hor ayay kala ahaayeen laba maamul oo kala madaxbanaan, kalana hoos taga Cusmaaniyiin iyo Boortoqiis.
  • Markaad u soo noqoto arragtida xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyada dawliga ah, Aqoonsi Dal doonaya waxaa lagu qiimeeyaa laba aragtiyood kala ah;-
  1. Dal raba inuu dib uga soo noqdo mid uu xili dambe la midoobay, waxaana shardi looga dhigaa inuu dadkiisa afti u qaado, xaq sharcina u leeyahay in taas lagu qiimeeyo, sidoo kalena aanu ognahay in shardigaa Somaliland ka soo baxday kuna guulaysatay sanadkii 2001, markay Afti u qaaday dastuurka ka noqoshada midnimadii Somaliya, shacabkuna ku ogolaaday 97%.
  2. Haddii uu yahay Dalka Aqoonsidoonka ahi mid ujeedadiisu tahay kala goyn dal taariikhdiisa hore midaysnayd ama aan weligii laba dal u qaybsamin,taa waxa shardi ah in ogolaansho la waydiiyo tan laga soo go’aayo.
  • Damanaanta Xukuumadda  Somaliland waxay tahay in ay halmaamtay xaqeeda sharci oo ah in aan Madaxbanaanideeda Somaliya laga martiyi Karin.
  • Dabinka Ingiriisku maleegay waxa uu ujeeda ahaan daarranyahay, mar haddii Somaliland ogolaatay wadahadalka Koonfureed, sidoo kalena garowsan wayday Somaliya goosigiina waad ku qasban tihiin inaad wax la qaybsataan.
  • Arrintaa waxa lagaga bixi karaa talo midaysan iyo caqli saliim ah, sidoo kalena xooga la saaro cawaacidka sharciga.

ALLAA  MAHAD LEH

Garyaqaan C/naasir Maxamed Shide

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories