HomeDalxiiskii boorama

Dalxiiskii boorama

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Markaad ku soo dhawaato magaalada Boorama ishaadu waxay ku dhacaysaa buuro dhaadheer oo gar ka gar sinta isku haya,bandarkana ku gadaama.Inta aanad magaalada soo gelin ayaad laba buurood dhexdooda muuqaalka magaaladu iska kaa tusayaa. Waa magaalo degan oon buuq,bulaan iyo bulxantoona lahayn.Dhismayaasha ku yaalaa way qurux badan yihiin.Dadka ku dhaqani waa dad aamusan oo ruux waliba wixii dantiisa ku foofsan yahay.Waa goob aqooneed oo dadka ku dhaqani ka aragti dheer yahay dadka kale ee soomaaliland ku dhaqan, sababtoo yar iyo weyn waxa loo faydan yahay waxbarasho; taabkana waxa ugu wada jira agabkii xoogsiga iyo buuggii iyo qalinkii.Meelaha naftu markay tagto ku xasisho una soo boholyowdo waxa ka mid ah jaamacadda iyo seeraha oo labaduba dhimirkaaga ku suntanaayana xasuus ma guurto ah oo kolka aad laba baad isku qabatada hortaada keenaaya,dareenkii kugu dhashay markii aad dhexjoogtay. Abwaankii yidhi:

Indhihii basaasawo

Boorama ma aragteen.

Ma gefin ee run biyo kama dhibcaana ayuu labadan meeris ku soohay. Magaalo aqoomeedda Boorama waxa iiga soo kordhay shalay mar aan safar dalxiis ku tagay aniga iyo hal-door qiimo badnaa arrin cajiiba. Laf aan wax qumman jaamacadda ka durugsanayn oo layidhaa Cammuudii hore ayaannu xogteeda kala sheekaysanay madaxweyne ku xigeen jaamacadda Cammuud aqoon yahan Diiriye waxaannu nagu yidhi” Waxay ahaan jirtay xarun lagu sii dhixiyo dadka adoomaha ah ee qaaradda yurub iyo ameerika loo iibgeynaayo ee marsada Saylacna laga sii dhoofinaayo.Waxaa soo gaadhay qalcadaha oo in doora dhisan,waxa kale oo ka sii muuqday silsiladii lagu xidhi jirey dadka.Dadka soomaalida ah qudhooda ee meelaha ka dhawdhaw niman tababaran ayaa xadi jirey gaar ahaa maatida jilicsan een iska caabin karayn. Bulshaduna waxay isu qancin jireen xanfalay ayaa hebel ama hebla qaadatay. Haddii dadku meeshaa sideeda u dayn lahaayeen,maantaba sayn-cadda lacag baa lagaga furi lahaa. Waxaanay noqon lahayd goob dalxiis oo laysugu yimaaddo” Intaa kolkuu sheegay ayuu hadana guryihii aannu agtaagnayn waxooga nooga taataabtay oo yidhi “Guryahani waa dugsigii hoose kuwaasina[waa dhisme dhanka bogox/galbeed naga qabanaayeyna] waa dugsigii sare imika se jaamacaddaa ku jirta. Qayb ka mid ah kulliyada beeraha ayaa ku jirta inta kalana shaqaalaha jaamacadda ayaa degan” Wuxuu ahaa buuni cilmi badani ka muuqdo oo aanay foolkiisa farxadda ka faaruqin. wuxuu si kaftana oo hadana quusi ka madhnayn noogu yidhi :-” Ardayda jaamacadda waxaannu u dhignaa cilmigii ardayga dugsiga sare loogu talo galay, aqoonteennu hoos bay u socotaa. waxa keliya ee aqoontaa laga korodhsaday in dadkii xaragoodeen oo iska naceen qorigii.” Waxaannu u dhaqaaqnay jihada waqooyi bari oo uu ka muuqday xafiiskii maamulaha dugsigii Cammuud oo dumay. Waxa sii taagnaa haykalkii guud xafiiska. la soco

 

Mawliid Aadan

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories