HomeDalladda Ururada aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF oo Hogaan Cusub Doortay

Dalladda Ururada aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF oo Hogaan Cusub Doortay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargaysa(SLpost)-Shirweynihii afraad ee dallada Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland – SONSAF ayaa lagu qabtay caasimadda Hargeysa, ayaa lagu doortay hoggaan cusub oo maamuli doona muddada labada sanno ee soo socda.

 

Shirweynahan oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, waxa furitaankiisii ka qayb galay ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo madaxda axsaabta siyaasadda iyo sidoo kale ergooyin fara badan oo ka kala socotay jilayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland oo ku midoobay dalladan.

Guddoomiyaha SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo hadal ka jeediyey shirweynaha, ayaa ka warramay heerarka kala duwan ee dalladu soo martay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-dii, qaybaha bulshada ee dalladu ka kooban tahay iyo doorkii ay ka ciyaareen horumarka dalka, gaar ahaan doorashooyinkii u dambeeyey ee qabsoomay sannadihii 2010 iyo 2012-kii.

 

“Waxyaabaha aannu ka shaqaynno ee hawlahayaga ugu sarreeya waxa ka mid ah ka wadahadalka siyaasadda (policy dialogue), in arrimaha siyaasadda bulshada rayidku intay fadhiisato ay ka tashato, iyagoo mar walba gacan siinaya golayaasha qaran ee inoo dejisan, xisbiyada siyaasadda ee inoo samaysan xidhiidh wanaagsan oo dhaw ayaanu leenahay. Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee aannu ka shaqayno waxa kow ka ah dimuqraadiyadda, labadii doorasho ee ugu dambeeyey oo ah intii ay jirtay SONSAF ee kala qabsoomay 2010-kii iyo 2012 waxaannu ka shaqaynay goob-joogayaashii gudaha ee doorashada la socday oo ah meelaha aad muhiimka u ah,” ayuu yidhi Mustafe Sacad.

 

Murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga WADDANI Maxamed Cismaan Fadal, ayaa iyaguna ka hadlay doorka muhiimka ah ee SONSAF kaga jirto geedi-socodka hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, waxaanay ugu hambalyeeyeen dallada shirweynaheeda afraad.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hano-qaadka dalladda SONSAF ee metalaysa ururrada bulshada Somaliland ku tilmaamay mid tusaale u ah dhismaha qaranimada dalka, isagoo ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan toosinta maamul-wanaagga iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Qaran wanaaggiisa iyo quruxdiisa waxa laga dheehdaa bulshadiisa rayidka ah, waxay ilaaliyaan shaqada dawladaha, masuuliyadduna dadka way wada saaran tahay, waxa laga yaabaa in mar walba diiradda la saaro dawladda uun hadday maamulkeedu xun yahay iyo hadday musuqmaasuq ku dhaqanto, laakiin waa in cid kasta oo innaga mid ahi waxay hayso nidaam waadax ah oo aan musuqmaasuq lahayn ka dhigto iyo qof waliba isagu isa saxo, waxaynu u baahannahay in aynu noqon qaran ku wadashaqeeya hufnaan (Transparency).”

“Markaa ururradeena bulshada waxa looga baahan yahay iyagaa inta ugu badan qaybaha bulshada matala ee inay wax saxaan, waayo inta aqoonta lehi waxay fursad u heshay markaa inay wax saxdo, iyadoo ka reebban qabyaalad, saaxiibtinimo iyo nin-jeclaysi, markaa waxaan idinku boorinayaa dalkeenna qabyo badan baa jirta ee in aynu ka wadashaqayno,” ayuu yidhi Md. Saylici.

 

Shirwaynahan oo la soo gunnaanaday gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu doortay hoggaanka cusub ee SONSAF maamuli doona sannadaha soo socda, iyadoo halkaasi Guddoomiyaha dalladda si aqlabiyad ah dib loogu doortay Mustafe Sacad Dhimbiil oo isagu xilkaasi hore u hayey labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaanay shirkan iyo doorashadiisuba kaga duwanayd kuwii ka horreeyey khilaaf la’aan in si buuxda la isugu raaco doorashada xubnaha hoggaanka iyo guddoomiyahaba.

  1. Mustafa Sa’ad Dhimbil, Chairperson
  2. Amina F Arshe, Vice Chairperson
  3. Mohamed S Hersi, General Secretary
  4. Nafisa Yussuf Mohamed
  5. Hassan Mohamed Jama “Heiss”
  6. Hassan Bulbul
  7. Anwar M Warsame
  8. Fahma Essa Yussuf
  9. Faisa Aw Ali
  10. Chief Mohamed Ali Dallin
  11. Sheikh Mohamed Abdullahi Omar
  12. Abdiwahab Maah Muhumad
  13. Ahmed Hashi
  14. Mustafa Mohamed Dahir
  15. Hussein Buuri
  16. Mustafe Abdullahi Fumbe
  17. Ahmed Abdi Ismail
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories