HomeDallada Naafada Qaranka oo Muwaadiniinta Naafada ah ugu Baaqday in ay Ka...

Dallada Naafada Qaranka oo Muwaadiniinta Naafada ah ugu Baaqday in ay Ka Qaybgalaan Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost):-Dallada naafada qaranka somaliland ee SNDF ayaa ugu baaqday guud ahaan dadka naafada ah ee reer somaliland inay ka qayb galaan diwaan gelinta codbixiyayaasha  ee dhawaan ka qabsoomi doonta dalka.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay dallada Naafada ee SNDF  ayaa u dhignaa sidan “Dallada Naafada Qaranka Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo (SNDF) oo ah Dallada ay ku bahoobeen ururada qaybaha kale duwan ee dadka  naafada ah ee reer Somalilnad iyo kuwa la shaqeeya.

Iyadoo laga duulayo:-

  1. Heshiiska  caalimiga ah ee Qaramada midoobay ee

 

xuquuqda dadka naafada ah   Qodabadiisa 12aad iyo 29aad oo dawladaha faraya ka mid ahaanshaha talada dalka ee dadka naafada ah iyo in dadka naafada ahi ka qayb qaataan dooroshooyinka islmakana ay helaan warbixin doorosho oo ay fahmi karaan. Heshiiskaas oo dhaqan galay may 3, 2008.

  1. Qodobada  8aad & 22aad ee dastuurka Somaliland oo qeexaya  Sinnaanta muwaadiniinta, xuquuda hawlaha siyaasadeed iyo ka qaybgalka dooroshooyinka.
  2. Xeerka diiwaan galinta codbixiyayaasha  Xeer Lr. 37/2007 Qadobkiisa 2aad oo Qeexaya codbixinta.
  3. Qodobka 44aad ee xeerka codbixiyayaasha farqadiisa 1aad iyo 2aad kuwaasi oo Qeexaya ciqaabta ku xadgudubka xeerka diwaan galinta codbixiyayaasha.

Markaanu tixgalinay:-Durufaha la xidhiidha geedi socodka dimoqraadiyadda Somaliland iyo Baahida loo qabo wacyi galinta  doorsho loo dhan yahay

Markaanu daraasaysay:-  yaraanshaha ka qaybgalka doorashooyinka ee dadka naafada ah.

SNDF Waxay ugu baaqaysaa

Dhammaan dadka naafada ah ee buuxiyay shuruudaha codbixinta ee lagu qeexay xeerka dooroshooyinka qodabkiisa 5aad inay:-

  1. Qaataan kaadhka codbixinta ee lagu codaynayo doorasha Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa iyo Golaha sharci dajinta(baarlamaanka) Jamhuuriyadda Somaliland ee qorshaysan in ay dalka  ka qabsoonto.
  2. Waxay ogaysiinaysaa dadka naafada ah in ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, wax doortaan lana dooran karo.
  3. Waxay la socodsiinaysaa in la’aanta kaadhka muwaadinku aanay ka hor istaagayn in ay qaataan kaadhka codbixinta.
  4. Waxay ku buraarujinaysaa dadka naafada ah in kaqaybagalkooda  doorashooyinka Somaliland uu muhiim u yahay qabsomidda doorosho loo dhan yahay oo kobcinaysa horumarka iyo dimoqraadiyada Somaliland
  5. Waxay uga digaysaa dadka naafada ah inay isku dayaan Qaadashada kaadhka codaynta  iyo codayntaba hal mar wax ka badan  taas oo muwaadin kasta oo isku dayaa uu  ku mutaysanayo ciqaab sharci oo isugu jirta xadhig iyo ganaax lacageed,laguna waaayo karo xuquuqda codbixineed ilaa iyo inta diiwaan galin kale dalka ka dhacayso. sida ku cad qodobka  44aad ee xeerka codbixinta farqadiisa 1aad iyo 2aad.

ALAAH MAH LEH

Marwo: Nuura Maxamud Nuur_________________________

Gudoomiyha Dalladda Naafada Qaranka Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories