HomeDallada Kulmisa Jaalidaha Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE) oo dareen taban iyo...

Dallada Kulmisa Jaalidaha Somaliland ee Qaaradda Yurub (SSE) oo dareen taban iyo walaac ka muujisay khilaafka Ka Dhex-curtay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Urur-weyne ay ku bahoobeen Jaaliyadaha Somaliland ee Qaaradda Yurub, laguna magacacabo Somaliland Society Europe (SSE), ayaa baaq ay manta soo saareen kaga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex-curtay Gudaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Somaliland, waxaanay wallaac ka muujiyeen sida uu khilaafkani u saamayn Karo xidhiidhka wada-shaqaynee ee hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland.

SSEBaaq xambaarsan talooyin ay guddiga Dalladani  kaga dhiibteen xalka iyo dib-u-sicista boogta khilaafka, ayaa u qornaa sidan: “Dallada SSE oo ay ka bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxa ay walaac ka muujinayaan khilaafka iyo is-maandhaafka ba’an ee soo kala dhex galay shir guddoonka Golaha Wakiilada. Khilaafka oo ka dhashay magacaabista guddi hoosaadyada ayaa dallada SSE ay si cad baaqan ugu qeexayaan sida ay ugu xunyihiin muranka iyo khilaafaadka soo kala dhexgalay Golaha sharci dejinta Somaliland oo ah udub dhexaadka Qaranka Somaliland. Guud ahaan hawlo badan oo mahuraana ayaa maanta Somaliland ka qabyo ah kuwaasoo dhammeystirkooda uu ku xidhanyahay wadashaqeynta Golaha Wakiilada. Somaliland maanta ma qaado ama culeys ayauu ku yahay khilaaf noocan oo kale ahi.

Dhinac kale dallada SSE lama yaabana in khilaaf iman karo ama xubnaha Golaha ay soo kala dhex geli karaan aaraa iyo fikrado kala duwan, laakiin waxa amakaag nagu noqotay in is-maandhaafkii ay ka dhasheen haddalo aan haboonayn oo hawada ama dhinaca warbaahinta la isu-mariyo, kuwaasoo niyad xumo iyo walaac ku abuuraya muwaadiniinta reer Somaliland.

Waxa run ahaantii yaab aheyd in jaanib walba  uu dhinaciisa difaac ka galay isagoo soo daliishanayay ama cuskanaya qoddobo iyo farqooyin ka mid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Dabcan labada dhinacba ma wada saxsana, laakiin qaabka arrinku u socdaa iyo sida loo wada hadlayaa waa qaab dhaawacaya karaamada iyo maamuuska ay kala mudanyihiin mas’uuliyiinta arrinkani sida gaarka ah u khuseeyo isla markaana sii kala fogeynaya sidii loo baadiggoobi lahaa soo af-jarida khilaafka ba’an ee wakhtigan soo kala dhexgalay Shirguddoonka Golaha Wakiilada. Dallada SSE waxay ka digeysaa :

  • In khilaafka shir-guddoonku aanu halkaa ka sii durkin oo aanu u gudbin heer daciifin kara isku duubnida iyo wada-shaqeynta xubnaha Golaha Wakiilada iyo guud ahaan haybada dawladnimo ee loo baahanyahay.
  • In Khilaafaadka soo kala dhexgalay Golaha Wakiilada aanu u gudbin qaybaha kale ee Golayaasha Xukuumadda.
  • In Golayaasha kale ee xukuumaddu aanay saameyn taban ku yeeshaan is-maandhaafka.

Dallada SSE waxay soo dhawaynaysaa isla markaana ku talinaysaa:

  • In mas’uuliyiinta arrinkani sida gaarka ah u khuseeyo ay u tudhaan duruufta uu maanta dalku ku suganyahay oo ay talo badsi iyo isu-tanasul lagu dayo arrimaha cakiran.
  • In Golayaasha kale haddii ay saameyn ku yeelanayaan arrimaha Golaha Wakiiladda ay noqdaan qaar si dhexdhexaadnimo ah u xaalaynaya oo taageeraya halka danta dalka iyo dadkuba ay ku jirto.
  • In laga dheeraado eedaymaha kulul ee ay isweydaarsanayaan shir gudoonku amaba xubnaha kale ee Golaha Wakiilada, waayo eedaymahaasi waa qaar nabar ku ah quruxda Qaranimada Somaliland, waana qaar fogeynaya waxyaabaha aynu rabno inaynu ka kasbano beesha caalamka.
  • In arrintan si degan oo la isla fahansanyahay loogu bandhigo Dastuurka isla markaana qaybaha ku shaqada leh xalinta khilaafaadka iyo dastuurku loo adeegsado iyadoo si wadajir ah loo taageerayo.
  • In aan la hilmaamin kaalinta Golahu Wakiiladu ugu jiro ummada reer Somaliland iyo sida khilaafkani u saameyn karo xasiloonida, horumarka iyo higsaga dalku leeyahay.

Waxa aanu idinka filaynaa oo aanu marti idiinka nahay inaad wakhtigiina, kartidiina, khibradiina iyo aqoontiina isugu geysaan in sida ugu dhakhsaha badan aad arrimaha taagan daawo ugu heshaan idinkoo la kaashanaya niyadiina fiican iyo talo saarashada Alle.

Ugu dambeyn waxa aanu baaqan uga faa’iideysanaynaa sida aanu uga xunahay shaqaadada ka dhalatay bannaanbaxa laga sameeyey magaalada Burco iyo geerida ku timid mid ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland iyo dhaawaca culus ee soo gaadhay qaar kale. Tacsi ayaanu u direynaa qaraabada iyo ehelada uu ka baxay muwaadinkaasi, Ilaahayna waxa aanu uga baryaynaa inuu ka waraabiyo naxariistiisa. Waanu dareensanahay mas’uuliyadda balaadhan  ee ciidanka nabadgelyada ka saaran ilaalinta nabada iyo xasiloonida laakiin waxa kale oo iyaduna waajib kale ah in intii karaankooda ah ay mudnaanta siiyaan ilaalinta xurmada iyo karaamada muwaadiniinta oo aan loo adeegsan xabado noolnool.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga Fulinta ee Dallada SSE.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories