HomeDalkaagoo Horumaray, Dantaaduna Toosaysaa!

Dalkaagoo Horumaray, Dantaaduna Toosaysaa!

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Eng Hussein Adan EgehQudbad sannadeedkii Distooriga ahayd ee 4-aad ee uu Madaxweyne Axmed Silaanyo ka horjeediyey saddexda Gole Qaran, wuxuu si mug iyo miisaanba leh ugaga warramay wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay Xukuumaddiisu ku tallaabsatay muddadaa afarta sano ku dhow ee ay xilka haysay. Madaxweynuhu wuxuu si waafiya uga hadlay waxyaabaha la taaban karo ee ay xukuumaddiisu ka qabatay xagga: Nabadgelyada, Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf Raadinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka, Waddooyinka, Horumarinta Madaarada iyo Dekedaha, Ammaanka iyo Fidinta Maamulka, Doorka Haweenka, iwm. Waxaan aaminsanahay in dhammaan arrimaha uu Madaxweynuhu ka hadlay ay yihiin kuwo si cad u muuqda oo aan la iska indhatiri karin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaana markhaati ka ah.

Haddii aynu wax yar tusaale ka soo qaadano dhinacyada ay Xukuumaddani horumarka ku tallaabsatay waxa ka mid ah: tayeynta qaybaha kala duwan ee xoogagga sugidda amniga qaranka taasoo ay maantaba muuqato in xukuumaddu ay ku guulaysatay in loo dhamaystiro derajadii iyo baahiyihii kale ee aasaa-siga ahaa, koboca dhakhliga iyo dhaqaalaha qaranka oo saddex-jibbaarmay, waxbarashada iyo caafimaadka oo ku tallaabsaday horumar laxaad leh, ganacsiga iyo maalgashiga dalka oo si weyn u kordhay, sahaminta iyo soo-saarka khayraadka dabiiciga ah ee dalka ceegaaga, dib u dhiska iyo tayeynta waddoonyinka, dekedaha iyo madaarrada, dib u dhiska iyo tayeynta guryaha hay’adaha dalka, tayaynta adeegyada guud ee bulshada, daryeelka danyarta, iwm).

Xagga Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka ay Jam.Somaliland la leedahay beesha Caalamka, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay go’aansatay inay la Gar-naqsatoBeesha Caalamka si ay Garowshiiyo uga hesho. Arrintani waxay horseeday Weji Cusub oo Diblomaasiyadeed oo ah inJam.Somaliland ay fagaarayaasha caalamka ku soo bandhigto qadiyaddeeda, si dhiirran oo aan gabbasho lahayna ka sheegato garteeda iyo xaqa ay ummadda Jam. Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh inuu helo aqoonsiga beesha caalamka. Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid dedaal iyo wax-qabad muuqda oo aan la iska indho-tiri karin, qofkii in uun dareen-waddannimo lihina si cad ayuu u arki karaa.

Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagu gaadhaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada. Midnimada waxa lagu difaacaa karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Haddii ay bulshadu mideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin. Dhinaca kale, Karaamada, Sharafta, Wadajirka iyo is-fahanka ummadda waxaa saldhig u ah bal inay iyagu marka hore dhexdoodu is-aqoonsadaan oo is-qadariyaan. In la isku qiro oo la isku bogaadiyo wixii wanaag iyo horumar ah ee soo kordha (laga bilaabo Qof illaa Qaran) isla markaana layskaga garaabo wixii gar iyo dawba ah oo la saxo wixii dhalliil, caddaalad-darro ama hagar ah ee jira, waan calaamadaha ummadnimo ee bulshada lagu tilmaansan karo.

Waxa xusid iyo is-xasuusinba mudan in wanaaga, horumarka iyo xasiloonida aynu maanta hayno uu ku yimid wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee ummadda iyo maslaxadda Qaranka oo mudnaanta la siiyo. Dhinaca kale, (aan idhaahdo hadda ka hor) siyaasiyiinta u dhashayJSL hankooda iyo damacooda siyaasadeedba waxay mar walba uga tanaasulayeen halka ay danta ummaddoodu ku jirto.

Himilada iyo hadafka Qarannimo ee aynu leenahay waxaynu kaga rumayn karaa iyadoo aynu si dhab ah u kobcino oo aynu kor ugu qaadno Garaadka iyo Dareenka Waddaninimo iyo Ahaanshaha Ummadnimoee bulshada JSL, gudaha iyo dibeddaba. Waxa lagama maarmaan ah in bulshadeenna la baraarujiyo, la wacyi geliyo oo lagu beero dareenka waddaninimada, ka midnimada, ka dal-jacaylka iyo masuuliyadda qof walba ka saaran dalkiisa iyo inuu mudnaanta koowaad siiyo danta guud ee bulshada iyo maslaxadda Qaranka. Arrintani waa waajib daruuri ah oo saaran dhammaanba ummadda JSLisla markaana u baahan in loo galo dedaal dheer oo midaysan. Siday Guryaha, Iskuullada, Dhakhtarrada, Dariiqyada iyo Adeegyada kale ee Bulshaduba dib-u-dhis ugu baahan yihiin, ayey Dareenka, Garaadka iyo Fikirka bulshaduna dib-u-dhis u baahan yahay.

 

Gabagabo:

Ogsoonow markuu Dalkaagu horumaro, Dantaaduna way kuu toosaysaa ama kuu hagaagi kartaa! Arrintani waxay keliya suurto-gal noqon kartaa haddii aynu iska dayno Dan-shaqsi ka fikirka iyo sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa, balse aynu mudnaanta iyo muhimadda koowaadba siino danta guud ee bulshada nolol-wadaagta ah iyo danta iyo maslaxadaha Qaranka.

Markay Xukuumaddu guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somalilandoo dhan ayaa Guulaystay. Guusha ay Xukuumaddu ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Waa shacbiga kuwa leh ee u aayi doona horumar iyo guul kasta oo Qaranka u soo korodha. Shacbiga Jam.Somaliland ayaa markhaati ka ah waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ku tallaabsatay, taasina waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyahaugu sarreeya ee uu Hoggaamiyaha iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummadda.Sidaa darteed, Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ha ku dhiirrato inay si cad oo toolmoon u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid.

 

JamhuuriyaddaSomalilandHA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q:Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories