HomeDalka Waxa Laga Xoreeyey Diyaarado Iyo Madaafiic, Laakiin Weli Waxa...

Dalka Waxa Laga Xoreeyey Diyaarado Iyo Madaafiic, Laakiin Weli Waxa Laga Xoreyn Kari La’yahay… W/Q: Sacad Muuse Cabdi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland dhawr iyo labaatan sano ka hor waxa laga xoreeyey ciidamo awood badan oo madaafiic iyo diyaarado dadkeeda shacabka u adeegsanayey, taasi oo muwaadiniintu u hureen naftooda iyo dhigooda sidii ay uga xorayn lahaayeen kalidii taliyihii Siyaad Barre oo ciidamadii uu u talinayey ay xoog iyo cagojuglayn ku hayeen shacabkii magacooda ku dhisnaayeen.

Hadaba dhawr iyo labaatan sano ka dib Somaliland waa qaran Madax banaan oo haykalkii dawladnimo dhamaystirtay, isla markaana dedaal iyo karti badan lagu bixiyey sidii loogu dhamaystiri lahaa dhamaan aas aasiyaadka dawladdnimo lagu yaqaano cid kasta oo gacan ka gaysatay ILAAHEY ha ka jasaa’I siiyee, waxaana dhawr iyo labaatankaasi sanadood ka dib wali dalka laga xorayn kari la’ayahay qashinkii iyo bacdii oo meelkasta oo caasimada iyo magaalooyinka dalka yaala.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah Aqoon yahanada haldoorka ah ee dalka ayaa  19, July, sanadkii 2012-kii mar ay  ka hadlaysay xaflad loo qabtay wakhtigii uu shaacinayey ALLE naxariistii jano ha ka waraabiyo musharaxnimadiisa Maayarkii hore ee Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, iyada oo wax laga xumaado  ku tilmaantay In Caasimada Jamuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ay buux dhaafiyaan Qashin is dul Tuulan, kaas oo ay sheegtay in Dadka ajaanibka ahi ee dalka soo booqdaa ay  ka naxaan marka ay arkaan, iyada oo arintani dalku ka wada siman yahay.

Marwo  Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waxa kale oo ay sheegay in Magaalada Hargeysa oo xabad iyo dhiig lagu xoreeyey ay dadka reer Hargeysi ka nadiifin kari waayeen Baco iyo qashin kala duwan, iyada oo sheegtay in loo baahan yahay in Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa loo doorto dadkii Hargeysa ka xoreyn lahaa, bacaha, Qashinka iyo fool Xumada muddada dheer haysatay (Waa ka hor intii aan golaha deegaanka la dooran).

“Magaalada Hargeysa oo ah Caasimada Somaliland wax laga xoreeyey Diyaaradihii duqaynayey, Madaafiicdii, Miinooyinkii ku jiray, laakiin wax weli laga xoreyn kari la’yahay qashinkii iyo bacdii oo meelkasta oo caasimada ah taala, waana ayaan darro dadka ajaanibka ee inoo yimaad marka ay Hargeysa arkaan ay ka naxaan qashinka dhex yaala, haddii Hargeysa ka xoreyn kari wayno qashinka magac aynu sheegnayo waxba kama jiraan.” Ayey tidhi Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadlaysay dhibaatada khashinku dalkeena ku hayo.

Dhibaatadan ay Edna Aadan Ismaaciil ka sheekaynaysay 19, July, sanadkii 2012 ayaa ah tu ilaa hadda sii kordhaysa oo aan waxba laga qaban, iyada oo bulshadeenu ilaa hadda inay iska basriyaan daaye wadooyinkii magaalada ay la soo doonanayaan, taasi oo foolxumo iyo karti la’aan inagu noqonaysa.

Ficilada xun xun ee ay bulshadeenu baratay ee loo baahan yahay in cidii wax ka qaban karaysaa ay ka qabato waxa ka mid ah in wadooyinka khashinka lagu daadiyo, taasi oo marka aad habeenkii wadooyinka Caasimada iyo magaalooyinka dalka soo marto aanad is odhanayn dad ayaa degan, waayo qof waliba waxa uu meheradiisa wadada hor marta ama gurigiisa wadada hor marta halkii uu kaga qaadi lahaa qodaxda la dhigo ayuu khashinkii la soo doonayayaa, taasina waa wax loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto cid kasta oo ay khusayso ama awood u leh inay wax ka qaban karto.

Bulshada waxaan kula dar daarmayaa inaanay wadada ku daadin khashinka, qofkii ku daadiyowna ogsoonow inaad darajo ka mid ah Iimaanka Islaamka jabisa, oo nabigeenii Maxamed (NNKH) waxa uu xadiis ku yidhi “Iimaanku waa todobaatan darajo, waxa ugu hooseeya qodax dariiqa laga qaado”, bal ka waran qofka khashinka iyo qudhunka dhigayoow.

Aynu wadajir wax uga qabano khashinka dalkeena buux dhaafiyey qof kastoow masuuliyad ayaa kaa saarane.

Fiiro Gaar ah: Qoraalka Edna Aadan Ismaaciil, waxaan ka soo xigtay  Kaydka Wargeyska Saxansaxo oo daabacay 20, July, sanadkii 2012.

W/Q: Sacad Muse Cabdi

Sacad098@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories