HomeDalka Turkiga oo Sadhig Milatari ka samaystay Soomaaliya, Goobta laga hirgeliyey iyo...

Dalka Turkiga oo Sadhig Milatari ka samaystay Soomaaliya, Goobta laga hirgeliyey iyo Hawl-gallada laga fulinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Soomaaliya oo noqotay dalkii ugu horreeyey Afrika ee Marti-galiya Milatariga dalka Turkiga

Ankara (SLpost)- Waddanka Turkiga ayaa bilaabay inuu Hawl-galiyo Saldhig Milatari oo uu ka samaystay Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey ee dawladda Turkigu ka samaysato qaaradda Afrika. Saldhigga Milatari ayaa xarun u noqon doona Saraakiil u dhashay dalka Turkiga si ay u tabobaraan Ciidamada Soomaali ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.

turkey-milatary-base-somalia-2Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska maalinlaha ah ee Daily Sabah oo ka soo baxa caasimadda Turkiga, Saldhiggan Milatari oo laga ansixiyey Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa noqonaya saldhiggii labaad ee dalka Turkigu ka samaysto meel dibadda ah waddankaas. Waxaana ka horreeyey saldhig Milatari oo bishii April ee sannadkan laga aasaasay waddanka Qatar kaas oo qayb ka ah is-kaashi xagga ammaanka ah ee dhexmaray labada waddan.

Hawl-galka Milatari ee dalka Turkigu ka bilaabay Soomaaliya, waxa wejigiisa koowaad laga hawl-galinayaa 200 oo saraakiil ka tirsan Milatariga Turkiga, si ay u tabobaraan in ka badan 10,500 askar Soomaali ah.

turkey-milatary-base-somalia-1Waddanka Turkiga ayaa shantii sannadood ee u dambeysay taageero milatari iyo mid dhaqaaleba ku bixinayay dhismaha dawladnimada taagta daran ee Soomaaliya, taas oo qayb ka ah heshiis iskaashi oo dhexmaray labada dawladood.

Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa dalka Soomaaliya ugu deeqay gar-gaar lagu qiyaasay inka badan 400 milyan oo Dollar, kaas oo noqonaya deeqdii ugu badnayn ee dalkaasi helo wakhti dalkaasi ku jiray xaalad adag oo macaluul iyo abaaro ba’ani saameeyeen bulshooyinka reer Guuraaga ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories