HomeDalka Tanzania oo Aqoonsaday Passport-ka Somaliland iyo Shuruudaha looga Baahan yahay Dadka...

Dalka Tanzania oo Aqoonsaday Passport-ka Somaliland iyo Shuruudaha looga Baahan yahay Dadka u safraya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysblanka (SLpost)- Dalka Tanzania oo ka mid ah wadddamada Bariga Qaaradda Afrika, ayaa markii u horeysay oggolaaday in dalkooda lagu geli karo Passport-ka Somaliland, iyadoo muwaadiniinta doonaya inay dalkaas booqdaan ay u furan tahay dalbashada Dal-ku-galka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.

Muwaadiniinta Somaliland ee doonaya inay u safraan dalka Tanzania, waxa ay Dal-ku-galka (VISA) ku dalbadan karaan Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland muddo laba bilood ah ka hor xilliga ay doonayaan inay u baxaan dalkaas, sida ay dhigayaan shuruudaha ku lammaanka nooca Fiisaha ay ku geli karaan dalkaas 28 Waddan oo Somaliland ku jirto.

28-kan Waddan oo ka kooban 13 dal oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo 15 waddan oo qaaradda Eeshiya ku yaalla, ayaa muwaadiniinta doonaya inay booqdaan dalka Tanzania laga doonayaa inay soo dalbadaan Dal-ku-gal (Referal Visa)  ay ku lifaaqan tahay waraaq tixraac ah oo ka soo baxday hay’ad ama shirkad sharci ah oo la aqoonsan yahay, sida aanu ka soo xigannay bogga internetka ee Waaxda Socdaalka ee dalka Tanzania.

“Muwaadiniinta dalalkoodu hoos yimaadaan qaybta (Referal Visa) lagama doonayo in ay goostaan ​​tigidhada duulimaadka ama ay bixiyaan lacagta kirada goobaha ay ka degayaan Tansaaniya ka hor intaanay u soo bixin Oggolaanshiyaha Fiiseyaashooda. Waxa aanu kula talinaynaa inay Fiisaha dalbadaan ugu yaraan laba bilood ka hor taariikhda safarkooda,” sidaas waxa lagu sheegay qoraalka shuruudaha Dal-ku-galka oo lagu baahiyey Mareegta waaxda socdaalka ee Tanzania.

Waddamada qaaradda Afrika ee muwaadiniintoodu Passport-kooda ku dalban karaan Dal-ku-galka Tanzania, waxa ka mid ah Chad, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Equatorial Guinea, Nigeria, Mali, Mauritania, Niger, Senegal, Somalia, Somaliland iyo Sierra Leone halka dalalka Qaaradda Eeshiya ay kala yihiin  Afghanistan, Azerbaijan, Bangladesh, Pakistan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Lebanon, Falestin, Ciraaq, Iran, Sri Lanka, Tajikistan, Turkmenistan, Uzbekistan iyo Yemen.

Dalka Tanzania ayaa ku biiraya tobanaan ka mid ah dalalka Caalamka oo Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland, waxaana dalalkaaas ka mid ah Kenya, Ethiopia, Djibouti, Ingiriiska, Turkey, Imaaraadka Carabta, Taiwan iyo kuwo kale oo badan, kuwaas oo muwaadiniinta Somaliland ku tagi karaan Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories