HomeDalka Tajikistan Oo Dad Laba Kun Ku Dhaw Gadhka Khasab Lagaga Xiiray

Dalka Tajikistan Oo Dad Laba Kun Ku Dhaw Gadhka Khasab Lagaga Xiiray

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Tajikistan(SLpost)-Dowlada Tajikistan ayaa ku dhawaaqday olole ay sheegtay inay kula dagaalameyso kooxaha islaamiga ah ee ku sugan wadankaasi, waxayna xukuumada dalkaasi ka talisa soo rogtay sharciyo lala yaabay oo ay kamid tahay in gadhka laga xiiro dadka lagu tuhmo xagjirnimada.

Dalkaasi ayey sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen kooxo xagjir ah oo la dagaalamaya dowlada militariga ee dalkaasi ka taliso oo uu hogaamiyo Madaxweyne Emomali Rahmon.

Ciidamada wadankaasi ayaa la sheegay inay todobaadkan gadhka si khasab ah uga xiireen rag gaadhaya 13.000, waxaa sidoo kale sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada lagu xidhay dukaano badan oo lagu iibiyo dharka asal ahaan kasoo jeeda dalalka Carabta.

Go’aanadan adag ayaa waxaa kasii horeeyey sharci cusub ee badhtamihii bishan Janaayo looga mamnuucay dalkaasi dhamaan isticmaalka Magacyada CARABIGA ah, waalidiinta ayaa sidoo kale loo sheegay in caruurtooda u bixiyaan magacyada taariikh ahaa la bixi jireen ummadaasi, sharcigaasi oo uu ansixiyey baarlamaanka wadankaasi. Waxaa sidoo kale wadankaasi laga mamnuucay Niqaabka.

Wadanka Tajikistan oo shacabkiisa u badan yihiin Muslimiin ayaa horey uga mid ahaan jiray dalalkii Sofiyeetka wuxuuna xaduud la wadaagaa wadanka Afghanistan.

Dhalinyaro badan oo wadankaasi kasoo jeeda ayaa la sheegay inay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa wadamada Siiriya iyo Ciraaq, waxayna kooxdaasi xiligan xarumo ka sameysatay gudaha dalka Afghanistaan oo xaduuda laleh dalka Tajikistan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories