HomeDalka Taiwan oo Danaynaya Xidhiidh Iskaashi oo Dhexmara Somaliland

Dalka Taiwan oo Danaynaya Xidhiidh Iskaashi oo Dhexmara Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

blankTaipei (SLpost)- Dowladda Taiwan ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga.

Dhambaalka xukuumadda Taiwan ayaa jawaab u ahaa farriin Hambalyo ah Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ugu diray munaasibadda caleemo-saarka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas.

Waxa dhambaalka lagu ballanqaaday inay dowladda Taiwan doonayso sidii ay labada waddan si wada jir ah uga wada shaqeyn lahaayeen dhinacyada dibloomaasiyadda iyo arrimaha gargaarka.

Qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Wasaarada Arrimaha Dibedda dalka Taiwan maanta, ayaa lagu yidhi, “Mahadsanid, Madaxweyne-xigeen hambalyadaada diiran ee aad u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Mrs Tsai Ingwen iyo Madaxweyne-xigeenka Md William Ching Telai ee ku saabsan caleema-saarka Taiwan.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne-xigeenka Md Saylici ku sheegtay in labada waddan wadaagaan arrimo badan.

“Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.” sidaas ayaa lagu yidhi.

Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici doraad dhambaal hambalyo u diray dalkaas, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku dhambaalkaas ku yidhi, “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.”

Madaxweyne-xigeen Saylici oo dhambaalkiisa ugu diray bartiisa Twitter, waxa uu intaas ku daray, “Waxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno wada-shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan,” sidaas ayuu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku yidhi dhambaalka uu u diray.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories