HomeDalka Masar iyo Guddida FIBA Afrika oo Somaliland ka Tageeri Doona Kor-u-qaadista...

Dalka Masar iyo Guddida FIBA Afrika oo Somaliland ka Tageeri Doona Kor-u-qaadista Xirfadaha Kubadda Kolayga

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland Mr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax), ayaa sheegay in dalka Masar iyo Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Afrika ee FIBA AFRICA, ay ballanqaadeen inay Somaliland ka taageeraan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kubbadda Kolayga.

Guddoomiyaha iyo Kooxda Kubbadda Kolayga Hargeysa oo ka soo laabtay tantanka magaalooyinka bariga iyo badhtaha Afrika oo ka dhacay caasimadda Darasaal ee dalka Tansaaniya, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay in khubaro ka socda FIBA AfRICA Somaliland iman doonaan sannadkan 2014.

chairman and Executive Director“Xidhiidhka Kubbadda kollayga Somaliland, ayaa soo saaray warsaxafadeed uu kaga warbixinayo tartankii Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee kooxda caasimadda Hargeysa kaga qaybgashay caasimadda Tanzania ee Darasalaam.

Waxaannu aad ugu faraxsanahay in aannu ka qaybgalo tartankan oo ay ka soo gaybgaleen 10 magaalo oo ka dhisan wadamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika iyo waliba caasimada Masar ee Qaahira.

Tartanka oo si heer sare ah loo soo aggaasimay, waxa ku guulaystay kooxda dalka Masar oo ahayd kooxdii ugu awooda badnayd.

Ka qaybgalkayagu wuxuu noo ahaa fursad aannu ku abuuray xidhiidho aannu la yeelano Guddida Kubbadda Kollayga ee Afrika iyo tan Bariga iyo Badhtamaha Afrika, waxanay noo ballanqaadeen inay Somaliland ka fulinayaan sannadkan gudihiisa tobarbaro xirfadeed oo kor loogu qaadayo tababarayaasha iyo garsoorka (Referees and Coaches capacity buildings trainings), iyagoo soo diri doona khuburo ka socota FIBA Africa.

Sidoo kale, Aniga (Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, waxaannu kulamo gaar ah la qaadanay masuuliyiintii ka socotay Masar, kuwaasoo noo ballanqaaday inay tageero xaga farsamada ah siin doonaan kooxaha kubbadda Kollayga iyo garsoorka Somaliland (Technical Training support).

Tansanian intercity basketball championship Somaliland participants Hargeisa city basketball team egyptian TeamUgu dambayntii waxaannu u mahadcelinayaa Maayorka caasimadda Hargeysa iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa, Wasiirka Wasaraadda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Reygal oo aanay laa’aantood suurto-gasheen in aannu tartankan ka qaybgalo. Waxan ka rajaynayaa, kuna dhiiri-gelinayaa inay sii wadaan garab istaaga kooxda caasimadda oo aan is-leeyahay waxa u soo kordhay khibrada iyo waayo-aragnimo aad u weyn oo wax ka tari doonta ka qaybgalka tartamada soo socda.

Kooxda kubbadda Kollayga ee caasimadda Hargeysa waxay sameeyeen dedaal ballaadhan, mastawahooduna wuxuu aad uga sarreeyey sidii sannadkii hore, waxanan filayaa inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kollayga Somaliland Md. Maxamuud Xassan Cabdilaahi (Qodax).

Kooxda Kubbadda Kollayga caasimadda Hargeysa, ayaa ciyaarihii ay ka qaybgaleen lagaga badiyey dhibco aad u yar, kuwaasoo aad uga fiicnaa sidii natiijadii ay ka keeneen tartankan oo ay hore uga qaybgaleen.

 

SOMALILANDPOST.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories