HomeDalka Kenya oo markii u horreysay Wasiirka Arrimaha Debedda loo magacaabo Haweenay...

Dalka Kenya oo markii u horreysay Wasiirka Arrimaha Debedda loo magacaabo Haweenay Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay ku dhawaaqay qaybo ka mid ah dhismaha dawladdiisa, ayaa markii u horreysay taariikhda dalkaas, golihiisa wasiirrada ku soo daray Haweenay ka soo jeedda Qoomiyadda Soomaalida ee dalka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa Wasiirkiisa Arrimaha Debedda u magacaabay Aamina Maxamed oo xilal kala duwan ka soo qabatay Qaramada Midoobay iyada ooh ore oo hore u ahayd kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Ururka Ganacsiga Dunida, sidoo kale noqotay ku-xigeenka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka isla markaana dhowaan isu-taagtay Jagada guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Dunida.

Uhuru Kenyatta, Amina Mohamed, Kenyan foreign ministerAamina Maxamed oo muddo 30 sannadood ah ku soo jirtay hawlaha diblomaasiyadda caalamiga ah, ayaa ka mid ah xubnaha loogu qaddarin badanyahay Xayndaabka maamul ee hay’adaha Qaramada midoobay oo ay ka soo hawl gallaysay 20kii sanno ee danbeeyey.

Xilka Wasiirka Arrimaha Debedda ee loo magacaabay haweenaydan, ayaa la filayaa inuu ka horjoogsado murashaxnimada xilka guddoomiyaha ururka Ganacsiga Adduunka WTO oo ay Xarunta warbaahinta ee ururkaasi ee magaalada Geneva ka dhawaaqday hankeeda, iyada oo loollan kula jirtay haweenay wasiirka ganacsiga ka soo noqotay dalka Indonesia.

Mark la eego khibradda haweenaydan, waxa ay ka mid ahayd Guddidii loo xil-saaray soo-dejinta Dastuurka Cusub ee dalka yeeshay ka dib qalaalaasahii sannadkii 2007 dalkaasi ka dhacay, iyada oo sidoo kale mar noqotay Wasiirka cadaaladda dalka Kenya balse ay markiiba u wareegtay dhanka hay’adaha Qaramada Midoobay.

Marwo Aamina oo sannadkii 1961-kii ku dhalatay magaalada Nairobi, qayb ahaanna dhalasheedu ka soo jeeddo Somaliland, ayaa Magacaabista Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya noqonaysa xilkii ugu sarreeyey dalkaas ee loo magacaabo qoomiyadda Soomaalida dalkaas, halka sidoo kale uu noqonayo xilkii ugu sarreeyey ee haweenay Soomaaliyeed loo magacaabo, waxaana magacaabisteeda soo dhaweeyey gebi ahaanba warbaahinta dalka Kenya oo si weyn u taageersanayd.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories