HomeDalka Finland Oo Dhaqaalahiisu Hoos Ugu Dhacay Sababo Ay Ka Mid Yihiin...

Dalka Finland Oo Dhaqaalahiisu Hoos Ugu Dhacay Sababo Ay Ka Mid Yihiin Da’da Dadka Oo Waaweynaatay iyo Isticmaalka Waraaqaha Oo Hoos U Dhacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Finland(SLpost)-Tiro cusub oo soo baxday oo ku saabsan dhaqaalaha 2015 ee Finland ayaa sheegaysa inay ku sigatay sanadkii afraad ee dhaqaalaha uu hoos u dhacayo, kororka ayaa ahaa mid yar, mustaqbalkana ma aha mid fiican.

Kororka wax soo saarka dalka (GDP) ayaa haa 7% kaasoo ka hooseeya halkii uu gaaray 2007-dii ka hor dhibaatadii dhaqaalaha intaysan dhicin.

Waddamada Yurub intooda badan ayaa ku soo noqday wax soo saarkooda (GDP) meeshii ay joogeen 2007-dii iyo wax ka badan. Waddanka Ireland ayaa ka mid ah waddamada dhaqaalahooda uu kordhay.

Koror la’aanta dhaqaalaha Finland ayaa laga arkay tirada shaqo la’aanta, taasoo ah 9.5%.

Dhibaatada halkay ka socotaa?

Sanadkii 2014, Mr Stubb oo ahaa ra’iisalwasaaraha waqtigaas, ayaa jaraa’idka u sheegay in shirkadda Apple ay shaqooyinka ka qaadatay, wuxuu ka waday, Alaabada Apple ayaa tartan culus u keenay Finland.

Mid waa shirkada Nokia oo adduunka ka noqotay caan telefoonadooda gacanta, laakiin waxay ku guul daraysatay tartankii kaga yimid Apple iPhone iyo telefoonada kale ee smartphone-ka. Saamaynta ay ku yeelatay dhaqaalaha Finland ayaa ahaa mid wayn, hadii aad ka eegtid dhinaca teknolojiyada ee ay Nokia qayb ka ahayd.

Ganacsiga kale ee hoos uga dhacay Finland ayaa ah kaymaha oo laga sameeyo waraaqaha wax lagu daabaco, sida ay sheegtay hay’adda baarista dhaqaalaha ee madaxa banaan ee Helisinki (ETLA).

Baahida loo qabo waraaqaha ayaa hoos u dhacday kadib markii korortay waxa lagu daabaco internetka. Dhibaatooyinka kale ee haysta dhaqaalaha Finland waxaa ka mid ah waddamada dariska la ah oo ay ka mid tahay Ruushka, ma aha markii ugu horaysay oo ay saamayn ku yeesheen dhaqaalaha Finland waddamada xuduudda la leh.

Dhibaatada dhaqaale ee Ruushka ka jirta oo ay keentay shidaalka hoos u dhacay ayaa saameeyay Finland, sidoo kale waxaa saameeyay cunaqabataynta Midowga Yurub ay ku soo rogtay Ruushka iyo Ruushka cunaqabataynta uu ku rogay Midowga Yurub alaabada ka timaada.

Dadka reer Finland ayaa da’dooda ay waynaanaysaa, taasoo micnaheedu yahay dadka shaqeeya iyo lacagta ay sameeyaan oo yaraanaysa iyo canshuurta laga qaadayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories