HomeDalka Ethiopia oo Qarinaya Nooca Cudur Boqolaal Qof u dhinteen, Kumanaan kalena...

Dalka Ethiopia oo Qarinaya Nooca Cudur Boqolaal Qof u dhinteen, Kumanaan kalena u jiifaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Federaalka ee Ethiopia ayaa la sheegay inay diiddan tahay Shaacinta tuhun laga qabto inuu dalkeeda ka dillaacay Cudurka daacuunka.

Inta la ogyahay 684 qof ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalkeeda muddo sannad gudihii ah, sidoo kale waxaa haatan u jiifa 60 Kun Qof, sida ay sheegayso warbixin ay qoreen wakaaladaha wararka oo soo xiganaya wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan gudaha dalkaas.

blank
Khariiradda Ismaamulka Oromada Ethiopia

Iyadoo laga baqayo inay saameyn ku yeelato dakhliga ka soo xerooda dhoofinta cuntada iyo dalxiiska, ayay dowladdu ku adkeysaneysaa in cudurka uu yahay shuban biyood oo ay la socoto xaaladdiisa, sida warbixinta lagu sheegay.

Laakiin, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka ee jooga Addis Ababa ayaa sheegaya in baadhitaannada sheybaadhka ay muujinayaan in dhimashadu ay ugu wacan tahay cudurka daacuunka.

Hay’aduhu waxay rabaan dowladdu in ay ku dhawaaqdo xaalad deg deg ah oo ku saabsan Daacuunka si kor loogu qaado wecyiga gudaha iyo in la wanaajiyo waxqabadka caalamiga ah.

Paul Hebert, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku dubaridka arrimaha bini’aadannimada ee Itoobiya, ayaa sheegay in inkasta oo cudurka aanu xakamaysnayn, haddana uu ku sii faafayo qaybo cusub oo dalka ah loona baahan yahay in la caddeeyo wuxuu yahay.

“Haddii lagu dhawaaqo in cudurkani yahay Daacuun,  waxaan arki doonaa jawaabo aad u xoog badan oo ka imanaya deeq-bixiyeyaasha, marka loo eego maalgalinta iyo abaabulidda,” ayuu yidhi Paul Hebert.

Cudurka Daacuunka ayaa si dhakhso ah wax u dili kara haddii aan la daaweyn. Horraantii sanadkii hore dhowr boqol oo dhimasho ayaa laga diiwaan geliyay dalka dariska la ah ee Suudaan.

Bishii Abriil caabuq ayaa laga diiwaan geliyey gobolka Gambella ee Itoobiya, taasoo keentay in shaqaalaha caafimaadka ay rumaystaan in cudurka lagu qaaday xadka.

Roobab culus iyo daadad ayaa ka caawiyay inuu cudurku ku fido 8 ka mid ah 11ka gobol ee Itoobiya.

Toddobaadkan oo keliya in ka badan 1,000 kiis oo cusub ayaa laga soo sheegey degmada waqooyiga ee canfarta.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Addis Ababa in walaacyada Qaramada Midoobay ay xad-dhaaf yihiin. wuxuu sheegay in ay dowladda Ethiopia dadaallo culus ku bixineyso wax ka qabashada cudurka dillaacay.

Dalal kale oo Afrikaan ah ayaa diiday in ay qiraan in daacuun ka dillaacay iyaga oo ka baqaya in ay waxyeelleeyaan dhaqaalahooda.

Qaramada Midoobay awood uma lahan inay ku dhawaaqdo cudur faafa waana inay raacdaa hagida wasaaradda caafimaadka ee dal kasta.

Laakiin, xilli roobaadka oo la filayo bilaha soo socda, shaqaalaha samafalka ayaa ka walaacsan in tirada dadka dhimashadu ay si aad ah kor ugu kici doonto haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories