HomeDalalka Naamibiya iyo Jarmalka oo isweydaarsaday Hadhaaga Shacabka la Xasuuqay Qarni ka...

Dalalka Naamibiya iyo Jarmalka oo isweydaarsaday Hadhaaga Shacabka la Xasuuqay Qarni ka hor

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

skullWindhoek (SLpost)- Madaxweynaha dalka Naamiibiya Hifikepunye Pohamba, ayaa sheegay in xukuumadiisu sii wadi doonto la soo noqoshada Qalfoofka geesiyaashoodii ee ku dhintay dalka dibediisa xilligii halgankii xornimo-doonka.

“Hawlgalka la soo noqoshada hadhaagii geesiyaasha dalka ee la qaatay ama dalka dibediisa yaala weli ma dhamaan. Waanu sii wadi doonaa hawshaa taariikhiga ee waajibku naga saran yahay ee sharaftooda,” ayuu sheegya Madaxweyne Pohamba,” ayuu yidhi Madaxweynaha Namibia.

Madaxweyne Pohamba ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad aas loogu sameeyey beerta Baarlamaanka dalkaas 35 qalfoof madax iyo lafaha laba qof oo laga soo qaaday dalka Jarmalka.

Hadhaaga qalfoofkan ayaa ahaa dad ciidamadii gumaystaha Jarmalku ku xasuuqay dagaaladii Herero iyo Nama oo dhacay sannadihii 1904 iyo 1908-kii, kaas oo ah taariikhda xasuuqii ugu horeeyey ee shacab lagu sameeyo xilligii guumaystaha reer Yurub qaybsadeen dalalka Afrika.

Madaxweynaha Namibia ayaa sheegay in qalfoofkan la dhigi doono matfaxka xusuusta, si ay xusuus taariikheed ugu noqoto dadka Naamiibiya.

Dhinaca kale, jaamacada Freiburg ee dalka Germany oo dhamaysay baadhitaano ay ku samaynaysay qalfoofkan ayaa gudoomiyaheedu Prof. Dr. Hans-Jochen Schiewer uu munaasibaddii wareejinta qalfoofkan ka sheegay,  “Sharci-darrada haysashada qalfoofkan waxuu ka mid yahay khaladaadkii madoobaa ee taariikhda Yurub iyo jaamacadan. Waan ku faraxsanahay inaan hantidan ku wareejino halkeedii, waanan ka murugaysanahay waxaa dhacay,” ayuu sheegay Schiewer.

Dhinaca kale, tallaabadan ay labada waddan kula kala wareegeen Hadhaaga Qalfoofka shacabkaas la xasuuqay, ayaa dhiirri-gelinaysa inay Somaliland samayso qorshe ay kula soo wareegto shacabkii lagu xasuuqay xeebta Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kuwaas oo qoysaskoodu ilaa wakhtigan fursad u la’ yihiin inay dib u aasaan qaraabadooda lagu xasuuqay dhacdaadaas.

Dawladdii Kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ayaa xilli habeenimo ah guryahooda magaalada Muqdisho kala baxday muwadiiniin u dhashay Somaliland oo tiradoodu lagu qiyaasay boqol ku-dhawaad, kuwaas oo inta la geeyey xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, si wadar ah loogu xasuuqay halkaas.

Dhacdadan waxa fashilyey mid ka mid ah dadkii lagu fuliyey xasuuqan, balse isaga nasiibkiisu ka badbaadiyey dhacdadaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories