HomeDalal Reer Galbeedka oo ku Heshiiyey in Bangiyada Ruushka laga Saaro Nidaamka...

Dalal Reer Galbeedka oo ku Heshiiyey in Bangiyada Ruushka laga Saaro Nidaamka SWIFT

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waddamada Reer Galbeedka intooda badan ayaa isku raacay dhaqan-gelinta Cuna-qabatayntii Dhaqaale ee ugu adkayd ee ay saaraan dalka Ruushka oo duullaan la cambaareeyey ku qaaday Dalka Ukraine.

Boqortooyada Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga, Kanada, Mareykanka, Faransiiska iyo Midowga Yurub ayaa isku raacay in cunaqabatayn dhaqaale oo adag lagu soo rogo Ruushka oo ay ku jirto in bangiyada dalkaas laga saaro Nidaamka caalamiga ah ee Bangiyadu lacagaha Isugu diraan.

blank
European Union flags flap in the wind at half-staff, in honour of European Parliament President David Sassoli, at EU headquarters in Brussels, Tuesday, Jan. 11, 2022. David Sassoli, the Italian journalist who worked his way up in politics and became president of the European Union’s parliament, died at a hospital in Italy early Tuesday, Jan. 11, 2022 his spokesperson said. (AP Photo/Olivier Matthys)

Nidaamka caalamiga ah ee Bangiyadu lacagaha Isugu diraan oo loogu yaqaanno SWIFT, ayaa dalalka reer Galbeedku maalmihii u dambeeyey ka yeesheen doodo adag oo dhexmary, iyadoo waddamo Jarmalku ku jiro oo arrintan ka soo horjeeday markii lagu dambe lagu qanciyey inay oggolaadaan.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka, ayaa sheegay inay dowladdoodu oggolaatay in nidaamka SWIFT laga saaro Bangiyada Ruushka. “Dhammaan bangiyada Ruushka oo horay ugu jiray cunaqabatayn caalami ah waxaa laga jari doonaa SWIFT,” ayuu yidhi Afhayeenku isagoo intaas ku daray inay ka fekerayaan inay cuna-qabataynta saaran qaar ka mid ah bangiyada Ruushka oo si gaar ah ah loo tixgelinayo si aanu meesha uga bixin dhaqaalaha iyo Hantida reer Galbeedka kaga xidhan Gudaha Ruushka.

“Iyadoo ciidamada Ruushka ay sii wadaan weerarkooda Kyiv iyo magaalooyinka kale ee Ukraine, waxaan go’aansanay inaan sii wadno cuna-qabataynta lagu soo rogayo Ruushka taas oo ka sii fogeyn doonta Ruushka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah iyo ku xidhnaanta dhaqaalahayaga. Waxaan fulin doonaa tallaabooyinkan maalmaha soo socda,” ayuu yidhi Yidhi.

Midowga Yurub ayaa Sabtidii sheegay inay dhowr bangi oo Ruush ah ka saarayaan nidaamka caalamiga ah ee SWIFT. “Waxaan go’aansanay inaan hubinno in tiro gaar ah oo bangiyada Ruushka ah laga saaray SWIFT,” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen.

Go’ankan oo qayb ka ah cuna-qabatayn dhaqaale oo dalalka reer Galbeedku ku soo rogeen Ruushka ayaa ka dambaysay kaddib markii uu Ruushku duullaan Milatari ku qaaday Dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sababta duullaanka ciidamadiisa ee Ukraine ku sheegay inuu jawaab u yahay codsi uga yimid malleeshiyaadka dagaalka ku jira ee Milatariga Ukraine ee gacanta ku haya gobolka Donbass oo ku yaalla Bariga dalkaas. Waxa uu Putin sheegay inuu go’aan ku gaadhay in la fuliyo howlgal milateri oo gaar ah si loo badbaadiyo dadka ku dhaqan gobolka Donbass oo ku hadla luqadda Ruushka. Waxa uu Putin ku eedeeyey dowladda Kiev inay xasuuq u geystay dadka ku dhaqan gobolkaas.

Nidaamka SWIFT oo loo soo gaabiyo (The Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication) oo laga leeyahay dalka Belgium, ayaa bixiya adeegyo ku saabsan Dhamaystirka iyo Hubinta dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed iyo Isu-dirista lacagaha ee dhexmara bangiyada adduunka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories