HomeDaladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeeyey...

Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo Qabatay Kulan Lagu Gorfeeyey Dhibaatooyinka iyo Caqabadaha Kala Duwan ee Horyaal Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu falanqeeyey xaaladaha warbaahinta Somaliland ku sugan tahay maanta, dhibaatooyinka iyo caqabadaha horyaal, ayaa lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay dallada ay ku midoobeen ururradda aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), waxa ka qaybgalay masuuliyiinta ururrada saxaafadda ee SOLJA, USJ, WIJA, SSJW, guddida saxaafadda madaxa bannaan, madaxda telefishannada, wargeysyada, Website-yada, odayaasha ruug-cadaaga ah ee saxaafadda, qareenno iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshadda rayidka ah, waxa lagaga dooday, isla markaana lagu fallanqeeyey xaaladda saxaafadda Somaliland ku sugan tahay xilligan lagu jiro, caqabadaha warbaahinta haysta iyo qaabka xal loogu raadin karo duruufaha saxaafadda ku gedaaman.

sonsafGuddoomiyaha ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo furitaankii kulankaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ujeeddada iyo muhiimmada kulankaas loo qabtay la xidhiidho sidii saxaafaddu uga doodi lahayd, isla markaana u soo bandhigi lahayd duruufaha iyo caqabadaha kala duwan ee haysta iyo qaabka durufahaas wax looga qaban karo.

“SONSAF waa meel ay ku midaysan yihiin, xubnana ka yihiin dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda aan dawliga ahayn oo saxaafadduna ka mid tahay, waxa aannu ka shaqaynaa, waxna ka qabanaa hadba xaaladda taagan ee u baahan in kulamo iyo shirar laga yeesho si wax looga qabto, natiijo wax-ku-ool ahna looga soo saaro, markaa waxaannu saxaafadda isugu yeedhnay in la darso dhibaatooyinka taagan, iyadoo kulankanina gogol-xaadh u yahay shirweyne dhawaan la qaban doono oo ay isugu iman doonaan qaybaha kala duwan ee daneeya (stake holders) saxaafadda, markastana waxaannu ka shaqaynaynaa wixii dan iyo faa’iido u ah saxaafadda iyo ururrada aan dawliga ahayn ee aannu metelno ama xubnaha ka ah SONSAF,” ayuu yidhi Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay dhibaatooyinka ay warbaahintu la kulanto, isaga oo sheegay inay sidoo kale aanay meesha ka madhnayn in saxaafadda lafteedu dhib gaysato isagoo tilmaamay in waxa qudha ee dhibaatooyinkaas lagaga bixi karo tahay xeer macquul ah oo saxaafadda loo diyaariyo si looga hortago dhibaatooyinka iyo tacadiyada warbaahintu la kulanto, dadkuna uga nabadgalaan gefefka iyo xad-gudubyada saxaafaddu gaysato.

Guddoomiyaha ururka qorayaasha iyo suxufiyiinta ee SSWJ Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isna kulankaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka iyo duruufaha haysta saxaafadda, isagoo SONSAF ku ammaanay qabanqaabada ay ka gaysteen kulanka saxaafaddu isugu timi, waxaannu tilmaamay in loo baahan yahay sidii looga shaqayn lahaa diyaarinta xeer aan dhibaato iyo caqabad ku ahayn saxaafadda, kana hor imanayn xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida warbaahinta Somaliland.

Guddoomiyaha ururka USJ Mr. Khadar Maxamed Cakule, Marwo Ayaan Cabdirisaaq oo ah madaxa mashaariicda ururka hablaha suxufiyiinta ah ee WIJA, Maareeyaha telefishanka qaranka Mr. Khadar Xasan Cali-Gaas, Agaasimaha telefishanka HCTV Mr. Maxamed Cabdi Ilig, Xuseen Cali Nuur, Maxamed Xasan Cali (Weji), Fasal Fadhfadhle oo ka mid ah odayaasha ruug-cadaaga ah ee saxaafadda oo iyaguna shirkaas hadalo kala duwan ka jeediyey, ayaa ku baaqay in wax laga qabto caqabadaha horyaal saxaafadda Somaliland, lagana shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo xirfadaha saxaafadda.

Waxa kale oo ka qaybgalayaasha shirkaasi doodo iyo afkaaro kala duwan ka jeediyeen qodobada ajandaha u ahaa shirka arrimaha saxaafadda lagaga hadlay ee SONSAF qabanqaabisay, iyadoo halkaas laga sheegay in loo baahan yahay sidii loo diyaarin lahaa mac-hado lagu barto xirfadaha saxaafadda, iyadoo ururka SOLJA iyo SONSAF loo jeediyey tallooyin la xidhiidha qaabka lagu xallin karo dhibaatooyinka iyo duruufaha kala duwan ee horyaal saxaafadda.

Guddoomiyaha SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo gunnaanadkii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan wax kasta oo dan iyo faa’iido u ah qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories