HomeDaladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo lagu eedeeyey inay faro-gelin...

Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF oo lagu eedeeyey inay faro-gelin qaawan ku hayso Xorriyadda Saxaafadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta ee Somalilad, ayaa si adag u cambaareeyey  farogelin ay sheegeen in dalladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ku hayso xoriyadda iyo madax-bannaanida Warbaahinta Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed, ayaa lagu sheegay in daladda SONSAF ay faro-gelin ba’an ku hayso isla markaana ay kala qaybinayso sinnaanta iyo xoriyadda saxaafadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ururka SOLJA ku cambaareeyey Daladda ururrada aan Dawliga ah ee SONSAF, ayaa u qornaa sidan:, “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo  ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee  Ururka la baxay  Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ka hawl-gala Dalalka aan dawladaha lahayn {Somaliland Non-State Actors Forum}  uu ku samaynayo  Xoriyada iyo xuquuqda uu u damaanad qaaday Dastuurka Qaranku Warbaahinta.

Sidaa darteed Ururka SONSAF isagoo u adeegaya  shakhsiyaad caan ku ah qalalaasaha iyo qulub-gelinta Saxaafada Somaliland, kuwaasoo shaqo maalmeed ka dhigta iska horkeenka iyo isku dhufashada Saxaafada Maxaliga ah, iyagoo ka dhex raadinaya derajooyin ama dhaqaale lagu siiyo, Ururka SONSAF waxa uu Saxaafada Somaliland ugu baaqay shir qarsoodi ah, kaasoo ay ku damacsan yihiin inay ku aasaan madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo xoriyada hadalka,iyagoo food saaro ka dhiganaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Warbaahinta Maxaliga ah iyo Hay’adaha  Dawlada (Xukuumada,GoleyaashaSharci Dejinta iyo Garsoorka). Hase-yeeshee kulankaas ulajeedadiisu tahay in lagu abuuro Xeer Saxafadeed cusub oo lagu cabudhinayo Madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo Xoriyada ra’yi dhiibashada  ee bulshada, balse suurtogalnimadiisa lagu qurxiyay ajendihiisa waxyaabo aan jirin oo lagu sheegay Is waraysi, Wadahadal Iyo Lafo-gur lala yeelanayo Saxaafada.

Ururka SONSAF oo sida magaciisa ku cad ah ka mid ah Ururada dalalka  reer galbeedku u abuuraan inay danahooda uga fuliyaan Wadamada aanay Dawladi ka jirin, sida; Koonfurta Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kosovo, waxa uu dhaqaale quusan waa ah xakamaynta Saxaafada kaga soo qaatay Hay’ada Safer World,oo iyaduna dhaqaaalahaa kasoo dheegatay Ururka  Midawga Yurub (EU)

Haddaba ururka SOLJA isagoo si cad u qeexaya aragtidiisa ku aadan Shirqoolkaas iyo mawqifka uu ka taagan yahayShirkaasi waxa uu yahay;.

  1. In aanu marnaba aqbali doonin go’aamada iyo natiijada kasoo baxda, sidoo kalena waxa uu shirkaa u arkaa shirqool dhagaraysan oo Warbaahinta ka dhan ah.
  2. Waxaa uu ku boorinayaa Hay’adahs Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta inaanay ku dagmin shirku sheegaa lagu xabaalayo madax-banaanida Saxaafada iyo xoriyada hadalka
  3. Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqaya Ururka SONSAF inay dib uga laabtaan shirkaa, hadiise ay ka dhego adaygaan fariintan waxay dusha ku  qaadi doonaan cawaaqibka arintaa ka dhasha
  4. Ururku digniin culus u dirayaa guud ahaan hay’adaha Samofalka Caalimaga ah inaan dhaqaalahoodu noqon mid lagu curyaamiyo xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, kana digtoonaadaan in mashaariicda ku saabsan Saxaafada inay soo mariyaan Hay’ado iyo NGO aanay khusaynin.
  5. waxaa ururka SOLJA u dirayaa  hay’adaha maxaliga ee inay ka waantoobaan caadaysigafadhataysigs Mashaariicda Warbaahinta, balse haddii ay iska dhego-tiraan fariintan ay ku talo galaan jawaabta ku haboon ee Warbaahintu ka bixin doonto.

ALLA MAHAD LEH

Maxamed Cabdi Guuleed

Gudoomiye Kuxigeenka SOLJA

Maxamed Rashiid Muxumed Farax

Xoghayaha SOLJA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories