HomeDaladda Dhalinyarada ee SONYO oo Xukuumadda u soo Jeediyey Tallaabooyin lagula dagaalamo...

Daladda Dhalinyarada ee SONYO oo Xukuumadda u soo Jeediyey Tallaabooyin lagula dagaalamo Tahriibka iyo Tahriibinta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gudoomiyaha-SONYO-cususbHargeysa (SLpost)- Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO ayaa wal-wal iyo walaac xoogleh ka muujisay Tahriibta da’yarta dalku ay ku le’deen oo gaadhay halkii ugu saraysay ee abid ka gaadho Somaliland.

SONYO waxay sidoo kale xukuumadda talada haysa ee Somaliland, Waalidiinta iyo bulshaddaba ugu baaqday inay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa aafada Tahriibta ee dalka ku habsatey, kuwaas oo sidoo kale xukuumadda ugu baaqay inay wada-shaqayn dhaw kala yeelato joojinta Tahriibta dawladda Ethiopia.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO waxay Tacsi Tiiraanyo leh u direen dhamaan Qoysaskii, Asxaabtii iyo bulshadda Somaliland ee ay ka baxeen dhamaan dhalinyaradii ku naf-waayey Tahriibta faraha ka baxday, kuwaas oo ku taliyey inaan la dhayalsan qadiyadaas.

Waxa sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubarig Ismaaciil Taani oo uu soo saaray, kaas oo isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan: “Tahriibka dhalinyarada JSL ayaa noqday masiibo qaran oo haligta dhalinyarada JSL qarnigan 21aad. Dhalinyarada JSL oo war-war ka qaba dihnaanta mustaqbalka, leeleel iyo ladnaan midkuu u sido, iyo waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, ayaa raxan raxan maalin walba uga suudala dalka, una badheedha saxare kulayl badan oo baaxad leh iyo badweyn aan lahayn geed la cuskado. Waxa sii kordhaya qul-qulka dhalinyarada tahriibaysa, una suudalaysa dhul iyo gayi ayna xoq badan ka haynin, iyaga oo miidaaminaya noloshooda.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO, oo wal-wal iyo walaac balaadhan ka qabta tahriibka dhalinyarada dalka JSL oo sii kordhaya oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee abid uu gaadho tahriibku, waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo badan leh u diraysaa dhalinyarada JSL iyo qaranka dhammaantii, gaar ahaan waalidkii ubadkoodii ku haligmeen doonyaha dhawaan qarqoomay. Waxaanu leenahay dhalinyaradu waa xoogii iyo dhuuxii dalka, geeridooduna waa laf-jabkii dalka hooyo.

Korodhka tahriibka iyo sibiq dhaqaaqa dhalinyarada JSL oo halacsanaya nolol dhalaan habaabis iyo dhalanteed ah, waxa qaybta ugu wayn ka qaatay shabakad aboolayaal ah oo tahriibiya dhalinyarada, kuna macaasha surmiga iyo shalaqsiga dhiiga dhalinyarada iyo ilmada ka tif leh waalidkii dhalay. Waxaanu ku baaqaynaa:

1. In Xukuumada JSL gacan bir ah ku qabato, xididadna u siibto, waxa ka hadhay inta la qab-qabtay mooyee, shabakadaha aboolayaasha ah ee tahriibiya dhalinyarada JSL, oo ah shabakado dambiilayaal ah oo ku macaasha geerida iyo diihaalka dhalinyarteena. Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO-yana waxa ay gacan buuxda ku siin doontaa arintan dawlada sidii ay horeba u siisay, si loo xaqiijiyo cidhib tirka shabakadahan.

2. In Xukuumada JSL iskaashi dawliya kala samayso dalka Ethiopia cidhib tirka shabakadahan tahriibiya dhalinyarada wixii ka baxsan xuduudka JSL.

3.In waalidku ka warhayo waxa laabta ubadkooda kohanayso, wacyi fiicana ka siiyo khatarta dhabta ah ee tahriibta, ka hor intaanu ilmuhu u xadhko xidhan tahriib.

4.Waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada JSL in ay ka dhawrsadaan khatarta Tahriibka.

5. Waxa kale oo aanu ku boorinaynaa Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in dhan looga soo wada jeesto bad-baadinta dhalinyarada JSL.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories