HomeDalada SONYO waa in ay soo diyaariyaan ururkii dhalinyarada ee siyaasiga ahaa...

Dalada SONYO waa in ay soo diyaariyaan ururkii dhalinyarada ee siyaasiga ahaa ee aynku kaga qayb gali lahayn tartanka madaxtinimada dalka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

(Hogaamiye is habranaaya, hankiisuna yar yahay, hoosiisbaa la yidhaaye, dhalinyaroy hadhbaad noqoteena soo hagaaga walaal)

Warqadani waxay ku socotaa dhammaan dhalinyarada reer Somaliland ee u heelan hoggaaminta dalka iyo horumarkiisa, balse ay caqabadi ka haysato  siyaasiyiinta waaweyn oo cagta hoos galiyey doorka dhalinta Somaliland ay ku doonayaan in ay saami ka helaan hoggaminta dalka.

Hadaba, waxan dhalinta reer Somaliland lee yahay “maanta waxad haysataan fursad qaali ah oo aad kaga qayb gali kartaan hoggaaminta dalka, fursadaasi oo ah furashada ururada siyaasiga ah” sidaasi darteed waxan dhalinta reer Somaliland ku boorini lahaa inta ay dad kale oo aan waxba u ogolayn u daba fadhiisan lahaayeen xaqoodo, waa in ay dhalinta reer Somaliland ee ku bahoobay dalada SONYO ay furtaan urur siyaasi ah oo isku duuban oo ay ku doonayaan in ay dalkan hoggaanka u qabtaan, kana waantoobaan balanqaad beena oo nin siyaasi ahi ku maaweeliyo.

Dalada SONYO hoggaankeeda waxan lee yahay ragiina maanta jooga ee dhalin ahaan aan u dooranay in ay na matalaan waa in ay soo diyaariyaan ururkii dhalinyarada ee siyaasiga ahaa ee aynku kaga qayb gali lahayn tartanka madaxtinimada dalka, weynu ognahay wax badan ayaa inagaga baxay kulamo aan la yeelanay Guurti, Baarlaman, Wasiiro iyo Madaxweyne, midkastaaba marka aad la joogto waxa uu ku lee yahay waan ogolnahay doorka dhalinta ee ka qaybgalka siyaasada dalka waanan soo dhaweynaynaa, laakiin ka dhabaybteedu waa wax aan jirin oo xaqiiqada ka fog.

Ugu danbayntii dhalinyaroy hadaan runta isku sheegno maanta cid inoo maqan ma arko anigu, waanad ogtihiin dhalinta da’da yar ee lagu faano ee saxaafada ah ee maalin walba ka cabnaya xadhiga iyo cagajuglaynta lagu hayo, waad ogtihiin dhalinta tirada badan ee sanadkasta ka soo baxaya Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha dalkeena ee aan fursad u haysan wixii ay soo barteen in ay ku shaqeeyaan, ee niyad xumo awgeed badaha isku daadinaya.

Gabagabo.

Waar maaha dhalinyaroy hadii aan doonayno hoggaaminta dalka in ninkasta ama gabadhkasta aan noqono wiiftoolayaal girgirkaas cararaaya oo midba meel siidhiga ka afuufo, balse waa in aan yeelanaa meel saldhig inoo ah oo aan ka duulno, waanay cadahay oo daladeena SONYO ayaa laga rabaa oo laga rabaa oo laga rabaa… inta aan laynaga eedaamin in aynu ka diyaargarowno, oo ismuujino, hadii aan sidaasi yeelno waan hubaa (Insha Allah) in siyaasiyiinta caqada inagu ahi inoo daba fadhiisan doonaan oo ina weydiisan doonaan saamigooda talada dalka ee aan wada leenahay.

(Waar hadaan qaldanahay dhalinyarow iqabta hadaan sax ku joonaga hawsha aan hareeraha qabano oo hore u socono)

By: Abdirashid Dahir Ali Wa’is

Graduate student. Hargeisa University (Bachelor Degree in Economics) 

CSI student (Public Administration department undergraduate) 

(Igala soo xidhiidh +252 24424527.   Email:-  rashid_dahir@hotmail.com)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories