HomeDAL MUSLIM AH OO HAWADA DALKIISA U DIIDAY INAY DUL MARTO DIYAARAD...

DAL MUSLIM AH OO HAWADA DALKIISA U DIIDAY INAY DUL MARTO DIYAARAD UU SAARNA RA’ISAL WASAARAHA ISREAL+[WAA DALKEE]

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Indonesia (Ilays-News):- Dawladda waddanka Indonesia ayaa ka hadashay

tallaabo ay qaadday Usbuucii   hore kadib markii diyaarad uu saarnaa Ra’isul Wasaaraha Maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu u diiday in ay marto hawada dalkaasi iyada oo sheegtay in ay sababtaasi u samaysay aar-goosi ay muddo badan doonaysay in ay kaga aar goosato dalkaasi Israel.

Image may contain: airplane

 

Diyaaradda uu saarnaa Benjamin Netanyahu oo kasoo duushay dalka Singapore una sii jeeday dalka Australia ayaa loo diiday in ay dul marto hawada dalka Indonesia, waxayna diyaaraddaasi ku qasab ku noqotey in ay ka weecato hawada Indonesia.

 

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Indonesia Armanatha Nasir ayaa sheegay in Dowladda Indonesia ay bixisay amarka loogu diiday in ay hawadooda dul marto diyaarada uu la socday Ra’iisal Wasaaraha Isra’il Natanyahu oo ah shakhsiyad aad looga neceb yahay dunida islaamka.

Armanatha Nasir ayaa tallaabada ay dowladdiisu qaatay ku tilmaantay mid ku tala gal ah oo aargoosi ah, waxaana uu tilmaamay in maamulka Israa’il ay dhankooda hore u diideen Wasiirka Arimaha Dibadda Indonesi in uu tago dhulka Falastiin iyada oo wakhtigaasi dawladda Israel si badheedh ah wasiirka khaarajiga Indonesia u diidday in uu safar hawada ah kaga dago dhulka reer Falastiin ee Yuhuuddu qasabka ku haysato.

Safarka Natenyahu ee Singapore iyo Australia ayaa haddii uu dul mari lahaa Indonesia waxaa ay ku qaadan lahayd sideed saacadood iyo badh, waxaase hadda uu ku qaatay 11 saacadood oo uu diyaarad saarnaa kadib markii Indonesia ay diiday in ay diyaaraddaasi dul marto.

Dalka Indonesia oo ah dalka ay kunool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka ayaa si weyn u taageera madax banaanida dhulka reer Falastiin, waxa ayna Dowladda dalkaasi si weyn uga soo horjeedaa hab dhaqanka Maamulka Yahuuda ee xooga ku haysta dhulka Falastiin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories