HomeDal Afrikaan Ah Oo Dumarka U Shaqeeya Dowladda Waajib Kaga Dhigay In...

Dal Afrikaan Ah Oo Dumarka U Shaqeeya Dowladda Waajib Kaga Dhigay In Ay Xijaab Xidhaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Banjul (SLpost)- Xukuumadda dalka Gaambiya ee galbeedka Afrika ayaa dumarka ka shaqeeya xafiisyada kala duwan ee dowladda iyo shaqooyinka gaarka loo leeyahay ku amartay in ay xidhaan xijaabka Islaamku dumarka ku waajibiyey. Masuul ka tirsan wasaaradda waxbarashada ee dalkaas oo magaciisa aan shaacin ayaa mar uu la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska FP waxa uu yidhi, “Waaxda maamulka shaqaalaha dalka ayaa wareegto ay noo keeneen ku amray in dumarka shaqaalaha ka ah wasaaraddu ay hadda kadib mamnuuc ka tahay in ay timahooda qaawiyaan”

Wareegtadan oo wakaaladdan uu Geeska Afrika soo xigtay nuskhad ka mid ah heshay ayaa sheegaysa in dhammaan dumarka ka shaqeeya wasaaradaha, wakaaladaha, iyo laamaha kala duwan ee dowladda aan hadda kadib loo ogolaan doonin in saacadaha shaqada ay madaxa qaawiyaan, waxa aanu amarku dhaqan galay 31kii Diisambar 2015ka, dhammaan masuuliyiinta haayada dowladda iyo loo shaqeeyayaasha goobaha gaarka loo leeyahayna waxaa la faray in ay amarkan dhaqan geliyaan oo shaqaalahooda dumarka ah ku qasbaan.

Madaxweynaha dalka Gaambiya Yaxya Jaamac ayaa bishii hore si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalkiisa oo boqolkiiba 95 Muslim ahi uu hadda kadib yahay, dowlad Islaamiya oo ku dhaqanta shareecada Islaamka, isla markaana dhowraysa xuququda muwaadiniinta aan muslimka ahayn ee laga tirada badan yahay.

Sannadkii 2013ka ayaa uu Madaxweyne Yaxye Jaamac dalkiisa oo hore uu Ingiriisku u gumaysan jiray ka saaray ururka Barwaaqo-sooranka ee ay ku bahoobeen dalalkii Ingiriisku gumaystay. Waxa aanu caan ku yahay go’aamo lama filaan dad badan ku noqda, tusaale ahaan bishii Noofambar ee sannadkii tegey waxa uu dalkiisa ka mamnuucay guud ahaanba gudniinka dumarka oo uu sheegay in Islaamku aanu farin.

Jaamac waxa uu xukunka qabsaday sannadkii 1994kii xilligaas oo uu ahaa 29 jir kornayl ciidamada ka tirsan ah oo kursiga afgembi ku qabsaday.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories