HomeDahabshiil wuu Daryeelay Danyartee, Allow Duunyada u daa – W/Q: Xamse Khadar

Dahabshiil wuu Daryeelay Danyartee, Allow Duunyada u daa – W/Q: Xamse Khadar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hamse khadarSoomaalidu waa dad fahmi waayay ilaa hadda dhibaatada haysata iyo xalkeedaba, waa dad ka ilbixi waayay rubuc qarni cudurka kala dilay ee kala kaxeeyay, waa dad wanaaga jecel laakiin u dhega nugul kooda xun, waa dad qaranimo diiday oo qabiil ku qancay.

Soomaalidu waa dad aduun weynaha oo idil ay ku balameen in la lumiyo taariikhdooda iyo sooyaalkooda guunka ah waa dad laga dhaadhiciyay xumaanta oo laga masaxay wanaaga waana dadka ugu saamaynta badan dadyawga aduunka ku nool.

Maanta soomaaliyi waxay maraysaa inay kii wanaaga u gala farta ku fiiqaan xumaana ugu abaal celiyaan oo ay garab siiyaan midaan wuxuu ugu jilan yahay ama ugu filanyahay aanay jirin.

Waa nasiib daro haysata dadkayga waana ayaan daro u soo hoyatay dalkayga in muwaadinkii magaca soomaali kor u qaaday, danyarta garab siinayay, dad dagaalo kala durkiyeen isku xidhay in ay soomaaliyi kii u dedaalay qabyaalad ugu abaal gudaan oo ay xumaan iyo xiqdi ugu hal celiyaan.

Dahabshiil waa mid ka mida shirkadaha wadaniga ah ee ka hawlgala dalka gudihiisa iyo dibadiisaba waa shirkad magac weyn u soo kordhisay soomaali iyo afrikaba waana shirkad hantideeda gaarka ah u hurta dadka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waa shirkada sababtay inay soomaaliyi isku xidhnaato meel kasta oo ay joogto iskana war hayaan waana shirkada keliya ee maanta international community-gu ay wax u soo mariyaan dadka ku dhaqan dalka, waa shirkad door muhiima ka qaadatay dhaqaalaha Soomaalida waana shirkad runtii xus iyo bogaadin ka mudan bulsha weynta soomaaliyeed.

Dad ay ku fogaatay qabyaalad kana xun Hibada ilaahay bixiyay, oo la odhan karo waa xaasidiinta dhabta ah ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen siday u ceebaysan lahaayeen shirkadaa wadaniga ah ee Dahabshiil Haddaba waxaa is weydiin mudan.

iyagu maxay u soo wadaan dalka iyo dadka?

maxayse u tarayaan oo ay ugu filan yihiin?

ninka walaalkii u quudhi waayay nolol sidee ayaad u aaminaysaa adigu?

Su’aalahaas iyo qaar kaloo badan waxaa mudan in ay is weydiiyaan dadka soomaaliyeed ee dunida daafaheeda kala jooga waayo qof walba oo caqli leh wuu fahmayaa waanuu garanayaa jawaabta su’aalahaas waa haduu ka caafimaad qabo cudurka dilaaga ah ee QABYAALAD.

Dahir Calasow waa mid ka mida wax-ma-tarayaasha, dhuuni qaatayaasha, calooshooda u shaqaystayaasha, ma xishoodayaasha, qabyaaladaystayaasha aan u miidaanka dayin qoraalka iyo hadalka waana Jaajuus ku hagardaameeya shaqadiisa sir doonka ah Shacabka soomaaliyeed.

Inuu soomaali wax taro iska daaye waxaa wuxuu u geystaan la koobi Karin, xog dahsoon oo uu helay ayuu ku lifaaqaa 99 beenood waana dhaqanka runta ah ee shaydaanka iyo inta la shaqaysata waa wiil u tafa xaytay xumaan una bedelay saxaafadii isbaaro lagaga qaado bulsha weynta soomaaliyeed leejo ama baad.

Waa ninka kor iyo hoosba isugu dayay inuu been abuur wax kaga qaado shirkada wadaniga ah ee Dahabshiil waxaanan arintaa anigu xaqiiqsaday heshiiskii Uganda uu kula galay xaaji max’ed Siciid Dahir Calasow oo ahayd in maal la siiyo isna uu been abuurka joojiyo laakiin arrintaas waxa si toos ah isu hor istaagay Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil.

Haddaba bal aynu eegno sawirka runta ah ee Shirkada Dahabshiil, Shirkada Dahabshiil waa shirkad ka qayb qaadata dhacda kasta oo dalka ka dhacda gudihiisa Shacabka soomaaliyeedna la wadaagta xaaladaha ay la deriska noqdaan mid guud iyo mid gaaraba waana dhaqanka saxda ah ee mulkiilaha Shirkadan ilaahay ku manaystay.

Waxa ugu danbaysay ee aan hadda qoraalkaygan ku tilmaami karaa waa Qaxoontigii soomaaliyeed ee ka soo cararayay colaadaha ka jira dalka Yemen waa shirkada keliya ee gaadiid u gaar ah ku caawisay qaxoontigaas, Soomaaliyi ma is weydiisay shirkadihii kale ee dhaqaalaha dalka ka ganacsanayay halkay ku danbeeyeen intay colaadinayaan Dahabshiil? Soomaaliyi ma is Weydiisay Xukuumadii Soomaaliyeed iyo maamuladoodii halkay ka baxeen intay wax ka sheegayaan Dahabshiil? Inta samaha laga dul boodayo ee qabyaalad tafta lagu sito lama dareemayo darajada wanaagsan iyo Daacadnimada laakiin waxaa hubaala in ay hagardaamo la kulmi doonaan dadka Xiqdiga iyo Xaasidnimada Aduunyadan korkeeda ku kharibay.

Waxaan ku soo koobayaa qoraalkaygan Wanaagoo laga tagaa waa Masiibo Hor leh waana wax u baahan in laga waantoobo waayo waa waxyaalaha sababa Cadhada eebe, Soomaaliyi maanta waxay u baahantahay inay fahanto Dhibaatada Qabiilka, waana wakhtigii ay ka gudbi lahaayeen xumaanta iyo ku xumeedaba ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu ilaahay soomaali fahansiiyo Wanaaga.

Hamze Khadar

Hamsemania@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories