HomeDahabshiil oo Si Rasmi ah u Hirgelisay Isticmaalka Shillinka Somaliland ee Adeegga...

Dahabshiil oo Si Rasmi ah u Hirgelisay Isticmaalka Shillinka Somaliland ee Adeegga e-DAHAB

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil ayaa si rasmi ah u hirgelisay in shillinka Somaliland lagu isticmaalo adeeggeeda e-DAHAB ee lacagta elekrooniga ah telefoonnada gacanta lagu qaato oo hore ugu shaqayn jiray dollar.

Xaflad kooban oo ka dhacday dhismaha Bangiga Dahabshiil ee Hargeysa shalay, kana qaybgaleen Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee Somaliland, Maareeyaha guud ee Dahabshiil Group, madaxa qaybta e-DAHAB iyo masuuliyiin ka kala socday waaxyaha shirkaddu ka kooban tahay, waxa lagu daah-furay isticmaalka shillinka Somaliland ee e-DAHAB oo noqday adeeggii u horreeyey ee noociisa ah ee laga sameeyo dalka.

DAHAB (1)Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa shaaciyey in shirkadoodu si rasmi ah u hirgelisay in lacagta shillinka Somaliland lagu isticmaalo adeegga e-DAHAB, kadib markii si buuxda loogu guulaystay tijaabo la mariyey.

“Waxaannu maanta halkan ku daahfuraynaa nidaamka E-dahab qaybtiisa shillinka Somaliland, annagoo ka turjumayna baahida macaamiisha shirkadda oo aannu muddo ka fikiraynay sidii aannu u samayn lahayn qaybta shillinka Somaliland. Waxaannu dhammaystirnay hirgelinta qaybta lagu isticmaalayo lacagta shillinka Somaliland oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyeyba si rasmi ah uga shaqaynayey suuqa, maanta (31 May 2015) waxa nidaamkan shillinka Somaliland isticmaalaya in ka badan kun qof oo shahaalahayaga ah, waxa kaloo isticmaalaya boqol meheradood oo ganacsiga kala duwan ah qof kastoo u baahdaa ka heli karo, wax ku iibsan karo ama lacag uu kaga shuban karo, waqti kooban kadibna waxaannu doonaynaa in qof kastoo u baahan lacagta shillinka Somaliland oo elekroonig ah inuu isticmaali karo Isha Allah,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi.

Waxa kale Maareeyuhu u rajeeyey in nidaamkani wax ka tari doono dhaqaalaha Somaliland, waxaannu yidhi, “Adeeggan cusub ee aannu soo kordhinay waxaannu rajaynayaa inuu wax ka tari doono dhaqaalaha waddanka, isticmaalka lacagta shillinka Somaliland, isla markaana macaamiishayada oo runtii aad ugu baahnaa uu dabooli doono baahidooda.”

Madaxa Qaybta e-DAHAB ee shirkadda Dahabshiil Mr. Fu’aad Axmed Nuux oo hadal kooban ka jeediyey halkaas, ayaa faahfaahin ka bixiyey adeeggan lacagta Somaliland ee lagu isticmaalayo e-Dahab oo uu sheegay inuu ka kooban yahay; lacag isu-diris telefoon, habka ku iibsiga, in macmiilku shillinka Somaliland kaga shuban karo lacagta ku hadalka ama inuu cid kale ugu shubo iyo lacag la bixid dhammaan laamaha Dahabshiil iyo Somtel. Waxa kale oo uu xusay in adeeggani si rasmi ah ugu shaqaynayo dhammaan macaamiishooda uu u hore ugu furnaa adeegga e-DAHAB oo aanay u baahnayn in dib loo diiwaangeliyo.

DAHAB (2)“Waxa farxad iyo guul noo ah in Dahabshiil Group noqoto shirkaddii u horreysay ee si dhab ah u hirgelisa in nidaamka lacagaha telefoonnada (mobile) la isugu gudbiyo lagu soo kordhiyo lacagta waddanka ee shillinka Somaliland,” ayuu yidhi Mr. Fu’aad Axmed Nuux. “Waxa kale oo adeeggani noqonayaa in markii u horreysay uu macmiilku lacagta ku hadalka telefoonka shirkadda SOMTEL kaga shuban karo lacagta shillinka Somaliland (Mobile To Up), taas oo noqonaysa markii u horreysay ee adeeggaa la helo.”

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shirkadda Dahabshiil hirgelinta adeegga ku isticmaalka lacagta dalka ee telefoonka oo ay hore uga wadahadleen, balse ay si waqti yar ku dhammaystireen, waxaannu yidhi, “Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa, uguna mahadcelinaynaa shirkadda Dahabshiil tallaabadan ay ku samaysay nidaamka e-DAHAB ee shillinka Somaliland oo ah mid aad u muhiim ah oo lacagtii dalka lagu isticmaalayo telefoonnada oo dadka u fududaynaya inay wax walba ku adeegtaan. Waxaannu rajaynaynaa inuu wax badan soo kordhin doono nidaamkani ganacsiga iyo dhaqaalaha.”

Guddoomiyuhu waxa uu rajo ka muujiyey in adeeggani wax ka qaban doono xaaladda sicir-bararka ka jira dalka, isagoo dadweynaha u soo jeediyey inay isticmaalaan e-DAHAB, “Lacagtu markay gacanta ku badato way googo’i jirtay, laakiin hadda waxaan filayaa hadday nidaamkan elektarooniga e-DAHAB gasho in lacagta lafteedu ka nasan doonto gacamihii aan daryeeli jirin. Dadweynahana Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay wada qaataan nidaamkan oo ay isticmaalaan oo wax tari kara sici-bararka. Markaa waxaan leeyahay Dahabshiil waad ku mahadsan tihiin tallaabadan fiican ee aad qaadeen, waana wixii la idiinka bartay ee horeba loo arki jiray, waxaannuna rajaynaynaa in tallaabooyin kale oo horumarineed oo dambe aad qaadi doontaa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdillaahi Xaaji Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories