HomeDahabshiil oo ku guulaysatay Kalsoonida Dowladda Kenya oo qaadday Xayiraaddii saarnayd Adeegyadeeda...

Dahabshiil oo ku guulaysatay Kalsoonida Dowladda Kenya oo qaadday Xayiraaddii saarnayd Adeegyadeeda iyo Maamulaha Guud ee Shirkadda oo ka dareen-celiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Waxa kale oo aannu ku faraxsananahy in aannu dib u bilawno adeegyadii iyo wada-shaqayntii naga dhaxaysey hay’ado iyo ururro badan oo caalami ah, kuwaasi oo uga faa’iideeya barnaamijyadooda adeegyada shirkadda si ay u socodsiiyaan mashaariic fara badan oo la xidhiidha taakulaynta arrimaha bani’aadminimada iyo barnaamijyada horumarinta.”

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Dowladda Kenya, ayaa xanibaaddii saarneyd ee xagga Xawaaladaha ka qaaday shirkadda Dahabshiil xafiisyadooda waddanka Kenya, kaddib markii ay dowladda Kenya hore u laashay Ruqsadihii ay ku shaqayn jirteen Xawaaladaha Soomaalida ee ka hawl-gala waddankaas.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Guud ee Shirkadda Dahabshiil, dowladda Kenya ayaa xannibaaddii saarnayd shirkadda Dahabshiil ka qaadday kaddib markii ay ku qanacsaday nidaamka shaqo ee shirkadda iyo inay tahay shirkad dhowrta shuruucda xawilaadda Lacagaha.

CEO-PictureWar-saxaafadeedka oo dhammaystiran, ayaa u qornaa sidan:- “Baanka Dhexe ee Kiinya (CBK) waxa uu maanta ka qaaday Shirkadda Dahabshiil xayiraaddii saarnayd xafiisyadeeda Kiiniya. Waxa aanu ku faraxsanahay xafiisyada shirkadda e Kenya oo dhan ay hawshoodii si buuxda u gudanayaan isla maantaba. Dawladda Kiiniya waxay hore u laashay ruqsadihii sharci ee ay haysteen dhammaan sharikadaha xawaaladaha ee ka hawlgala Kiiniya, 7-dii bishii April 2015.

Dawladda Kiiniya waxay baadhitaan iyo dib-u-eegis ballaadhan oo dhinac kasta ah ku samaysay hawlaha, hab-dhaqanka, siyaasadda iyo adeegyada Shirkadda Dahabshiil ee Kiiniya dhexdeeda, waxayna ku qanacsan tahay in Shirkadda Dahabshiil ay si buuxda u dhawrto sharciga, si adagna ugu dhaqanto xeerarka ka-hortagga isticmaalka iyo rogrogga lacagayowga xaraanta ah ee sharci-darrada ah, iyo kuwa ka-hortagga argagixisada iyo maalgelintooda.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay sii wadi doontaa feejignaanta ay u leedahay ku-dhaqanka shuruucda u yaalla dalka Kenya.

FOREX-DAHABSHIIL-CLOSED1Maamulaha Guud ee Shirakadda Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Dahabshiil oo arrintani ka hadlay waxa uu yidhi: “Waxannu si weyn ugu faraxsannahay in aannu noqonnay shirkaddii ugu horraysay ee xawaaladaha ee dib u heshay ruqsaddeedii Kiiniya dhexdeeda, dibna u furta adeegyadeedii xawaaladda ee Kiiniya.

“Shirkadda Dahabshiil waxay ka hawgashaa oo adeegyadeedu ay ku baahsan yihiin ilaa 126 dal oo adduunka ka kala tirsan, oo ay ku jiraan Kiiniya, Ingiriiska, iyo Maraykanku. Waxayna shirkaddu dhawrtaa oo ay ixtiraamtaana sharciyada iyo xeerarka u kala yaalla dalalkaasi, dal kasta goonidiisa. Adeegyadaasi Shirkadda Dahabshiil ay u fidiso dadweynuhu waa kuwa muhiim u ah nolosha dadweynahaasi oo ay ku tiirsan yihiin dadka isticmaalaa, si ay u daryeelaan qoysaskoodii iyo ehelkoodii, uguna diraan kharajyada kaga soo aada waxbarashada caruurta, caafimaadka, nolol-maalmeedka, iwm . Waxa kale oo adeegyada xawaaladdu kaalin ku leeyihiin socodsiinta meheradaha oo shaqooyin aan cadad lahayni ka abuuraan si toos ah iyo si dadbanba.

“Waxa kale oo aannu ku faraxsananahy in aannu dib u bilawno adeegyadii iyo wada-shaqayntii naga dhaxaysey hay’ado iyo ururro badan oo caalami ah, kuwaasi oo uga faa’iideeya barnaamijyadooda adeegyada shirkadda si ay u socodsiiyaan mashaariic fara badan oo la xidhiidha taakulaynta arrimaha bani’aadminimada iyo barnaamijyada horumarinta.

MONEYShirkadda Dahabshiil waxay kale oo kaalin weyn oo mudan ay ka qaadataa kobcinta dhaqaalaha dalka ay ka shaqayso, sida Kiiniya. Waxa kale oo ay gacan ka geysataa abuurista boqolaal kun oo fursado shaqo ah, oo iskugu jira shaqaale ay toos u qaadato shirkaddu iyo kuwa shaqooyin ka hela maalgelinta ka imanaysa hantida faraha badan ee xawaaladda ah ee la soo mariyo, sidaasi awgeedna waxay shirkaddu ka qayb qaadataa yaraynta saboolnimada.

Dhinaca kale, shirkaddu waxay caawisaa dadweynaha ama mujtamacyada dalalka ay ka hawlgasho oo Kiiniya ka mid tahay. Waxayna 10% faa’iidada ay hesho dib ugu celisaa oo ku maalgelisaa mashaariicda la xidhiidha daryeelka banii’aadminimo iyo mashaariicda horumarinta dadweynaha, mashaariic oo ay ka mid yihiin dhismaha dugsiyada ama iskuullada, cusbitaallada, gurmadka xaaladaha deg degga ah, jidadka, buundooyinka iyo helidda biyo nadiif ah oo la cabbo,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxbay xarunta guud ee shirkadda Dahabshiil.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories