HomeDahabshiil oo ku Guulaysatay Go’aan Maxkamadda Sare ee Ingiriisku ka soo saartay...

Dahabshiil oo ku Guulaysatay Go’aan Maxkamadda Sare ee Ingiriisku ka soo saartay Dacwaddii Bangiga Barclays

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Abdirashid Duale, CEO Dahabshiil Group of Companies (600x400)London (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Britain ayaa ku dhawaaqday go’aan ay ka soo saartay dacwad shirkadda Dahabshiil ka gudbisay Bangiga Barclays oo hore u shaaciyey inuu joojinayo adeegyada xawilaadda lacagaha ee Dahabshiil oo ah shirkadda ugu wayn dhinaca xawilaadaha lacagaha ee qaaradda Afrika.

Go’aanka Maxkamaddu soo saartay maanta waxay ku amartay Barclays in aanu xidhi karin adeegga xisaabeed (account) ee shirkadda Dahashiil ku leedahay Bangigaasi ilaa inta si rasmi ah go’aan maxkameed looga soo saarayo arrintan, taas oo guul wayn u ah guud ahaan dadka Soomaalida ah iyo macaamiisha shirkadda ee daafaha dunida oo eheladooda ku nool Ingiriisku lacagaha u mariyaan Dahabshiil.

“Waxaannu si aad ah ugu faraxsanahay in maxkamaddu aqoonsatay culays ay leedahay dacwadayadu, tani maaha guul u soo hoyatay Dahabshiil oo keliya, balse waa guul iyo war wanaagsan oo ay heleen malaayiin Soomaali iyo Afrikan ah, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsanayd adeegga xawilaadda lacagaha aannu sida saxda ah u dirno. Macaamiisha Dahabshiil waxa uu go’aankani uga dhigan yahay inay sii wadataan isticmaalka adeegga xawilaadda ee Dahabshiil mustaqbalka.” Sidaa waxa lagu yidhi war-saxaafadeed ku qornaa luuqadda Ingiriisiga oo Maareeyaha Guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid soo saaray go’aanka maxkamadda kadib.

Waxa kale oo maxkamaddu xukuntay in Bangiga Barclays bixiyo kharashaadkii shirkadda Dahabshiil kaga baxay muddadii ay ku jirtay dacwadda maxkamadda, iyadoo sidoo kale garsooraha maxkamaddu diiday racfaan Barclays dalbaday inuu ka qaato xukunka ka soo baxay Maxkamadda Ingiriiska.

Maareeyaha Guud ee Dahabshiil waxa uu sharraxaad ka bixiyey muhiimada uu leeyahay adeegga ay bulshada u qabtaan, waxaannu yidhi, “Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in aanay shaqadayadu ganacsi keliya ku eekayn, balse waxaannu bixinaa adeegyo aasaas u ah nolosha Soomaalida iyo dad kale oo badan oo ku nool dalalka kale ee Afrikaanka. Waxaannu u suurtogelinay Soomaalida inay is caawiyaan, iyagoo guud ahaan cidhifyada adduunyada lacago uga xawila qaraabadooda iyo asxaabtooda ku nool degaannada Soomaalida, taas oo ay ku dabbaraan cuntada, dawada iyo lacagaha waxbarashada. Sidoo kale, xawilaadda lacagaha waxa loo adeegsadaa maalgashiga iyo abuuritaanka ganacsiga iyo hantida lagu noolaado, iyadoo hay’adaha gargaarka bini’aadanimo sida Oxfam iyo kuwa Qaramada Midoobay ay lacagaha mucaawanada ah ka dirdadaan Dahabshiil. Arrinta kale ee lacagaha aannu xawilnaa ka caawiyaan Soomaalida sidii gacaheeda dib isugu taagi lahayd, ugana bixi lahayd colaadaha iyo xaaladaha nabadgelyo darro ee wehelka u noqday 20-kii sanno ee la soo dhaafay.”

Dahabshiil_Barclays

Dacwadda shirkadda Dahabshiil ku oogtay Bangiga Barclays waxay ku salaysay in aannu Bangigu suuqa uu gaarka ku yahay ugu takrifalin si qalad ah oo uu ku xidhayo xisaab-maaliyadeedka Dahabshiil oo muddo 15 sanno ah wadashaqayn lahaayeen, isla markaana aannu keenin wax caddayn ah oo sabab u noqda inuu joojiyo adeeggooda.

“Dahabshiil waxay u hoggaansan tahay dhammaan shuruucda iyo qawaaniinta jira, iyadoo ku kalsoon nidaamka adag ee aannu ku shaqayno. Sida adage e aannu ugu dhaqano shuruucda waxa markhaati-kacaya xidhiidhka wadashaqayneed ee aannu wadaleenahay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo NGO-yada caalamiga ah ee horumarinta. Sidoo kale kalsooniyadu waa ta keentay in aannu dacwaddayada keenno maxkamadda sare ee Ingiriiska,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Ugu dambayntii waxa uu u mahadnaqay dhammaan macaamiisha, dadka Soomaalida iyo kuwa kale ee taageeray shrikadda Dahabshiil, hay’adaha, siyaasiyiin iyo dadka ajaanibka ah ee muujiyey sida ay uga xun yihiin in hab-xisaabeedka Dahabshiil la xidho.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories