HomeDAHABSHIIL oo Abaalmarin Caalami ah ku Kasbatay Gargaarka Bulshada

DAHABSHIIL oo Abaalmarin Caalami ah ku Kasbatay Gargaarka Bulshada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Minneapolis(SLpost)-Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Minneapolis ee wadanka Maraykanka kulan ay soo qabanqaabisay hay’adda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga qaabilsan ee American Refugees Committee “ARC”.

Xafladda waxaa lagaga hadlayey horumarka iyo dhibaatooyinka horyaala dadka qaxootiga ah. Waxaana ka qaybgalay ugu yaraan 1000 qof oo ka kala yimid waddamada caalamka. Waxaana xafladdan billado lagu gudoonsiiyay afar shirkadood oo saddex maraykan yihiin halka Dahabshiilna afar ku ahayd.

Waxaa kale oo abaalmarin la gudoonsiiyay shirkadaha loo aqoonsaday in ay wax ka qabtaan hawlaha dadka qaxootiga ah. Shirkadahaasina waxaa ka mid ahaa shirkada ganacsiga ee xawilaaddaha ee DAHABSHIIL.

Abdirashiid Maxamed Saciid oo ah maareeyaha guud ee shirkada DAHABSHIIL ayaa wax laga waydiiyey abbaalmarintan iyo sida ay shirkaddiisu ugu guulaysatay. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Xafladdan uu qabanqaabiyey ururkan American Refugee Committee, oo degan minnesota ahna haayad caalami ah oo dhulka soomaalidana aad uga shaqaysa. Markaa annaga DAHABSHIIL ahaan billaddaa ay na siiyeen aad baannu ugu faraxsanahay. Xafladdan oo ay Ilaa 1000 qof ka qaybqaadanayaan waxa lagaga hadlayaa horumarka ay soomaalidu qabatay”

Isaga oo ka hadlaya waxa ay billaddani ugu fadhido shirkadda Dahabshiil ayaa waxa uu yidhi “Billadan DAHABSHIIL waxa ay muujinaysaa dadka baarlamaankan maraykanka ka tirsan iyo ganacsatada maraykanka in doorka ay DAHABSHIIL ku leedahay dhulka soomaalida iyo waliba maraykanba ay tahay qayb ka qaybqaadata horumarka loona ogaado in ay jiraan dad dadaalaya oo dalkooda horumar la jecel” ayuu yidhi Cabdirashiid.

 

“Dahabshiil Waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dirista lacagaha, waxa kale oo aannu bangiyo ka hirgallinay oo aannu ka dhisnay dalka, sidoo kale waxa aannu ka shaqaynaa isgaadhsiinta iyo internetka. Markaa waannu ku faraxsanahay in Dahabshiil noqoto astaamaha lagu aqoonsado horumarka soomaalida” ayuu yidhi Cabdirashiid MAxamed mar uu sharaxayey waxyaabaha ay bulshada u qabato shirkada Dahabshiil.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories