HomeDAHABSHIIL Group oo Mucaawimooyin iyo adeegyada Casriga ah ee Shirkadda ugu deeqday...

DAHABSHIIL Group oo Mucaawimooyin iyo adeegyada Casriga ah ee Shirkadda ugu deeqday 3000 Qof oo ku waxyeelloobay Fatahaadda Webiga Shabeelle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shirkada Dahabshiil ayaa sheegtay inay muwaawimo iyo adeegyada kale ee shirkaddu bixiso gaadhsiisay dadkii ku waxyeelloobay fatahaadda wabiga shabeelle,iyadoo shirkaddu deeqo gaadhsiisay illaa 3000 oo qoys, Maamulaha shirkada Dahabshiil Cabdirashiid Siciid Ducaale ayaa isaga oo jooga  dalka isu-taga Imaaraadka carabta uga waramay Mawlid Xaaji Cabdi oo ka socday  BBC da waxaana uu ka yidhi Mudane Cabdirashid  dhacdadan;

Cabdirashiid-Dahabshiil-CEO-dh-1Jawaab:  Sidaad u sheegtay dhibaatooyin culusbaa ay keeneen fatahaadahaa dhacay , dad badan oo masaakiina ayaa waxii ay maal iyo xoolo lahaayeen ay khasaaro soo gaadheen, markaa anaga oo  ka qayb qaadanayna dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba haddii aanu dahabshiil nahay in aanu deeq gaadhsiino dadka dhibaataysan ee magaalada Baladweyne iyo agagaarka magaaladaba u kala qaxay ama kala degay.

Su’aal: Deeqdan aad ugu talogasheen inaad bixisaan Cabdirashiid maxay tahay, bal haddii aad nala wadaagto waxa ay leeg tahay waxa aad haysaan , Maxay tahay?

Jawaab: Mawlidow dadka illaa 3000 oo qoys  dad gaadhaya ayaanu waxaanu ugu dhawaaqnay in aanu ka qayb qaadano oo aanu u qaybnino Raashin sida ; Bariis, Sonkor, Bur iyo Saliid. Dadkaasi oo kala degan Magaalada Baladweyne ama tuulooyinka Wabiga ku Xeeran ee galbeedka iyo Bariga Buurta Shandushe, Ceeljaale, dhamaan dadkaasi oo dadkii dhibaatooyinka soo gaadhsiiyeen biyahaas ama daadka ku fatahay. Waxaa kale oo aanu ku dhawaaqnaa oo aanu dadka somaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba  gudo iyo dibedba inay dadkaa soo caawiyaan anaga oo u furnay Akawno lacagta ay ugu shubi karayaan, xaga xawaalada oo kale akown ayaanu u furnay oo qofkii dibeda ama gudaha joogaba  anaga oo aan wax khidmad ah ka qaadanayn wixii uu awoodi karo uu ugu shubi karo. Akowndadaa waxaa kamid ah numberka :151515 iyo midka ah Edahab ama mobile paymentka ee Somtel, Edahab iyo Dahabshiil ay leeyihiin oo isna numberkiisu noqonaayo;0620151515. Waxaanu ugu talo galnay qof wal oo dadkan dhibaataysan caawin kara dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Dadka maamulayaa waa shaqaalaha Dahabshiil iyo wakiiladii Dahabshiil iyo dadka odayaasha waxgaradka ah ee Gobolka degan si ay u hubiyaan in dadkii masaakiinta ahaa ee dhibaatadaasi soo gaadhay in deeqdan raashinka ah iyo ta lacageedba ay gaadho sida ugu dhakhsaha badan.

Dhibatada-fatahaadaSuaal: kolay yaraysi male gargaar waa gargaar , waxaa jirta dhaliil la idiin jeedinaayo shirkadihiina ganacsiga ama ha ahaato Isgaadhsiin ama Xawaalad ama ganacsi kale oo aad ku jirtaane , macaashka aad heshaan ama faaidada aad ka heshaan dadka soomaaliyeed iyo waxa aad bixisaan waxaa la yidhaahdaa isma leeka, dhaliishaas oo kale sided u aragtaa?

Jawaab: Mawlidow garan maayo dhaliishaasi meeshay ka imanayso  anagu haddii aanu nahay Dahabshiil  shirkadaha oo dhan uma hadlo , anagu hadii aanu Dahabshiil nahay intii aanu shaqaynaynay mar abaaro dhaceen , mar daadad fataheen, mar cusbitaalo la samaynaayo iyo hadii dhulka wadooyin la dhisaayo mar walba shirkada Dahabshiil bilow iyo dhamaad ba hormood ayay ka tahay waana ta ugu horeysa ee samafalka ka qaybqaadata markaa cidii samafalka wax ka taraysa waanu ku dhiiri galinaynaa yar iyo weynba , ganacstada kalena waan ku dhiri galinaynaa cid walba in cidii tabaalaysan wax ka qabtaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories