HomeDahabshiil oo Taakulo Abaareed iyo Mashaariic Horumarineed ka Fuliyey Gobollada Galbeed dalka

Dahabshiil oo Taakulo Abaareed iyo Mashaariic Horumarineed ka Fuliyey Gobollada Galbeed dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[B]oorame (SLpost)- Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa hawlgal ay taakullo kaga gaysteen abaarta iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan shalay ka fuliyey gobollada galbeedka ee Somaliland ee Awdal, Salal iyo Gabiley.

Wefti ka tirsan madaxda sare ee Dahabshiil Group oo uu hoggaaminayey Maareeyaha Guud ee Xawaaladaha iyo Sarrifka lacagaha ee shirkadda oo shalay booqasho ku tagay magaalooyinka Boorama iyo Tog-wajaale, ayaa degaannadaasi ka fuliyey gurmad ku wajahan abaarta ba’an ee ka taagan xeebta gobollada Awdal iyo Salal iyo mashaariic lagu horumarinayo jaamacadda Camuud University ee Boorama cusbitaalka guud, dhismaha jidka magaalada Tog-wajaale, kuwaas oo ay ku baxday lacag ku dhaw $100,000 (boqol kun doollar).

blankMasuuliyiinta shirkadda Dahabshiil waxa markii ay gaadheen magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kulan la yeesheen guddiga abaaraha Gobollada Awdal iyo Salal oo ay ka xog-warraysteen xaaladda abaarta iyo gurmad loogu jiro, kadibna madaxa weftiga Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa halkaasi kaga dhawaaqay inay lacag qadarkeedu dhan yahay $10,000 (toban kun doollar) kaga qaybgalayaan taakullada abaarta.

Xubnaha kale ee weftiga oo ay ka mid ahaayeen madaxa xidhiidhka dadweynaha Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis), Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xuseen, Guddoomiyaha shirkadda Dahabshiil ee gobollada Awdal iyo Salal, Maareeyaha Laanta Dahabshiil Xaaji Ismaaciil Cabdi (Riiraash) oo iyaguna halkaasi hadallo ka jeediyye ayaa ku faahfaahiyey dadaalka shirkaddoodu ugu jirto inay dadkooda kala qaybqaataan arrimaha aasaasiga ah ee had iyo jeer baahiyuhu ka taagan yihiin, isla markaana wixii ay dalkooda ka macaashaan dib ugu celiyaan bulshada.

blankKulankaasi kadib waxa kaloo weftigu booqdeen Jaamacadda Camuud oo ay shir kula qaateen Guddoomiyaha jaamacadda Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo uga warbixiyey baahida asaasiga ah ee waqtigan doonayaa in wax lagala qabto, isagoo xusay inay u baahan yihiin kordhin loogu sameeyo dhismaha hoolka waynn ee ay jaamacadda, iyadoo masuuliyiinta Dahabshiil-na kaa aqbalay codsigaasi dhismaha hoolka oo qaadi doona dhowr kun oo qof, kaas oo ay ku bixi doonto lacag lagu qiyaasay 47 kun iyo dhawr boqol oo doollar waxa si wadajir ah halkaasi u dhagax-dhigeen Maareeyaha qaybta xawaaladdaha iyo sarrifka ee Dahabshiil Cabdiraxmaan Cali Cabdi iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed.

Intaa kadib waxa weftigu socdaal ku tageen cusbitaalka guud ee magaalada Boorama oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee cusbitaalka Dr. Ismaaciil Xaaji Maxamuud Aye oo iska xog-warraysteen xaaladiisa, waxaannay kormeer ay ku soo mareen qaybaha uu ka kooban yahay kadib Agaasimaha ku wareejiyeen lacag kooban oo qadarkeedu ahaa $1000 oo ay ugu talogaleen in cunto loogu iibiyo bukaan-jiifka cusbitaalka yaal. Deeqdaasi ayaa waxa si ballaadhan uga mahadceliyey Agaasimaha cusbitaalka Dr. Ismaaciil Xaaji Maxamuud Aye.

blankGebogabadii safarka saraakiisha shirkadda Dahabshiil ee Boorama waxay ku soo kormeereen xafiisyada shirkaddu ee qaybta xawaaladda iyo qaybta isgaadhsiinta ee Somtel, kuwaasi oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyadaas, isla markaana iska xog-waraysteen booqashadooda iyo hawlaha shaqo ee ay hayaan.
Dhinaca kale, weftiga masuuliyiinta Dahabshiil waxay socod ku tageen magaalada Tog-wajaale ee xarunta degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, halkaasi oo ay kaga yabooheen lacag mucaawano ah oo ay shirkaddu kaga qaybqaadanayso dhismaha waddada isku xidha Wajaale iyo Kala-baydh.

Weftigu markii ay gaadheen magaalada Tog-wajaale waxay kulan la yeesheen maamulka degmada iyo guddiga horumarinta degmada oo ay ka sheekaysteen ujeedada socodkooda iyo samaynta waddadaasi halkay marayso iyo weliba xaaladda guud ee degmada.

Hoggaamiyaha weftiga Shirkaddaha Dahabshiil Group Mr. Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in lacag dhan $30,000 (soddon kun dollar) ay ugu deeqeen dhismaha waddada Tog-wajaale, isagoo sheegay in shirkaddaha Dahabshiil oo ay caado u tahay inay mar walba ka qaybqaataan horumarinta arrimaha bulshadu diyaar u tahay in ay bulshada reer Wajaale kala hawlgalaan adeegyada ay caawimada uga baahan yihiin.

blankMadaxa Qaybta Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-xiis) iyo Wakiilka shirkadda ee Tog-wajaale Barre Axmed Cabdillaahi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadoodu mar walba danaynayso isku tashiga iyo wax-wadaqabsiga, si gaar ahna ay u soo dhawaynayaan in codsiyada baahiyaha adeegyada u baahan waxqabadku ka yimaadaan bulshada. Waxa kale oo ay tibaaxeen in arrimaha Dahabshiil Group taageerada ka gaysanayo aannu ku raadinayn sumcad iyo ammaan toona, balse ajarkooda iyo abaalmarintoodaba ay Alle ka sugayaan.
Guddoomiyaha Degmada Wajaale Xaashi Cabdi Muxumed iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Horumarinta Cabdillaahi Nuur Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madashaasi, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda Dahabshiil mucaawanada lacageed ee ay kaga qaybgaleen dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Wajaale iyo Kala-baydh, waxaannay ku ammaaneen shirkadda kaalinta ay kaga jirto horumarinta degmada oo ay xuseen in aanay ahayn tii u horreysay ee ay mar walba door muuqda ku leedahay waxqabadka iyo kobcinta adeegyada arrimaah bulshada.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Oday Cismaan Miigane oo ka mid ah waayeelka degmada iyo guddiga horumarinta iyo Sheekh Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah culimada degaanka, kuwaas oo iyaguna ammaan badan u jeediyey Dahabshiil Group, uguna duceeyey in Alle ka abaalmariyo mucaawanada iyo dadaallada horumarineed ee ay shacabka u fidiso.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories