HomeDahabshiil Group oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta...

Dahabshiil Group oo Kaalin Miisaan leh ka Qaadatay Hirgelinta iyo Baahinta Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

DSC06662Hargeysa (SLpost)- Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa kaalin miisaan leh oo loo bogay ka qaadatay hirgelinta iyo baahinta tartanka ciyaaraha gobollada dalka oo si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland maanta uga furay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo ciyaartii u horreysay ay ku kulmeen xulalka kubadda cagta ee Gobollada Maroodi-jeex iyo Saraar.

Shirkadda Dahabshiil Group oo masuuliyad wayn iska saartay hirgelinta tartankan, waxa ay ku deeqday dirayska xulalka ciyaartoyga 13-ka gobol ee dalku ka kooban yahay iyo weliba baabuur nooca raaxada ah oo shirkaddu ugu talogalay in abaalmarin loo siiyo ciyaartoyga ku guulaysta gool dhalinta muddada tartanku socdo, kaas oo noociisu yahay Crown lambarkiisuna yahay SL 49597.

Sidoo kale, shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL oo ka tirsan Dahabshiil Group ayaa kaalinta ugu ballaadhan ka qaadaynaysa in tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland si toos ah loogala socdo daafaha caalamka, waxaannay shan telefishan u suurtogelisay baahinta tooska ah ee tartanka – Telefishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), Horn Cable Tv, Somaliland Space Channel, Somali Set iyo Somali Channel iyo Milgo Digita – oo si toos ah u baahiyey ciyaartii furitaanka tartanka oo dhexmartay shalay xulalka Maroodi-jeex iyo Saraar.

Madaxa Hawlgallada shirkadda SOMTEL Mr. Axmed Cabdillaahi Caynaanshe oo ka hadlay doorka shirkaddoodu ku leedahay tartanka, ayaa sheegay in baahinta tooska ah ee ciyaaraha uu ku baxayo kharash badani, waxaannu yidhi, “Ciyaaraha tartanka oo caalamka dhan laga daawanayo waxa u gudbinaya shirkadda SOMTEL oo u sahlaysa telefishannada sida tooska ah u baahinaya, iyadoo tani tahay markii labaad ee ay si toos ah u tebiso ciyaaraha gobollada, waxaanna baahintan ku baxaysa lacag ka badan $40,000 (afartan kun oo doollar).

Waxa kale oo shirkadda Dahabshiil Group diyaar u tahay xafladaha furitaanka iyo xidhitaanka inay dhabarka ku qaado.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in Dahabshiil Group mar walba u heellan tahay danaha dadweynaha iyo weliba dhiirigelinta dhallinyarada, “Shirkadda Dahabshiil Group kaalin wayn oo muuqata ayey kaga jirtaa dhiirigelinta iyo is dhexgalka dhallinyarada iyo weliba la-dagaallanka tahriibta, waana shirkad wadani ah oo runtii mar walba ku dadaasha inay ka shaqayso danaha bulshada ay u adeegto, iyadoo xafiisyadeeda iyo adeegyadeeda laga heli karo dhamman dacallada dunida,” ayuu yidhi Mr. Caynaanshe.

Dhinaca kale, waxa ay shirkadda Dahabshiil Group gacan ka gaysatay qurxinta iyo khashaafado waawayn oo ay ku xidhay garoonka kubadda Kolayga ee Tima-cadde oo ay habeenkii ku ciyaari doonaan xulalka kubadda gacanta ee toddoba gobol oo ka qaybgalaya tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland.

Shirkadda Dahabshiil Group waxay sidoo kale hore dib-u-dhis ballaadhan iyo casriyey ugu samaysay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium ee sannadkan ciyaaruhu ka dhacayaan, waxaannay shirkadda SOMTEL sannadkii labaad ee xidhiidh ah ay si toos ah u baahinaysaa tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland oo markii ugu horreysay ay ku guulaysatay hirgelintiisa tartankii kal hore ku qabsoomay magaalada Burco ee xurunta Gobolka Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories