HomeDahabshiil Group: Dayax U soo Baxay Geeska Africa iyo Doorka ay Ku...

Dahabshiil Group: Dayax U soo Baxay Geeska Africa iyo Doorka ay Ku Leedahay Deegaamada Soomaalida

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Degdegsiimada, Deeqsinimda iyo  Daryeelka Bulshadu, Waa Deeq ay Dhigeed dheer tahay
Shirkadaha Dahabshiil Group oo si waafiya uga tisqaaday guud ahaan dunida afarteeda dacal waxay dayax habeen dam ah usoo baxay ka noqotay Qaarada Africa, oo si hufnaan iyo hagar la’aan ah ay u baahi tirtay bulshada ku nool gabi ahaan.

La jaanqaadka tignoolajiyada casriga ah ee dhinacyada xawaalada, isgaadhsiinta, iyo internetkaba waxay kamid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee ka suurto galiyey gayigan aynu ku noolnahay ee SomalilandShirkada Dahabshiil.

Dahabshiil Group Dayaxa Geeska Africa.

Waxay si kalfuran oo kasmo iyo garasho badani ku jirto ugu adeegtaa dhammaan bulshada ku kala nool daafaha dunida.

Waa shirkad amaano iyo aragti ku raaligalisa, uguna adeegta bulshada.

Aan ku horeeyo Somaliland qiyaasta dadka ku nool dalka marka laba loo qaybiyo waxaa xaqiiq ah in xidhiidh toosa ah ay la leeyihiin shirkadaha dahabshiil gobol kasta iyo degmo kasta oo ay ku nool yihiin, taas bulshada badankeeda ehelkoodu uga soo diraan lacago oo si dhib la’aan iyo warwer la’aan ah uu qof walbaaba u helo dhaqaalihii loosoo mariyey.

Taasi waa adeega ay qabato oo kaliya balse waxaa taa barbar socota garab istaaga iyo gacansiinta ay bulshadeeda mar walba la garab taagan tahay, waxaan tiro lagu koobi Karin dhismayaasha la wada leeyahay ee dhinacyada baahiyaha bulshada ee ay ka hirgalisay guud ahaan deegaanada ay somaalidu degto. Degmo kasta iyo tuulo kasta,

Waxaan cidna xaqiri karin doorka ay ku leedahay hirgalinta dhismayaal iyo mashaariico ay ku baxaan malaayiin dollar oo ay ka fulisay jaamacadaha, iskuulada, Goobaha Caafimaadka iyo Cusbitaalada, dadka danyarta ah iyo taageerada bulshada la tabaalaysan abaaraha iyo duruufaha nololeed.

Dhinac kale aan u holodo, wali ma isticmaashay adeega dhinaca internetka ee ay bixiso shirkada Somtel oo kamida faracyada shirkadaha dahabshiil group, kama daallo, kama xiisodhaco, waa khad aan marnaba kugu ridaynin werwer iyo walaac aad ka qaado internetka oo kaa googo’a ama kaa cuslaada, waxan odhan karaa waxa uu kamid yahay internetka shirkada somtel oo badiba bulshada Somaliland isticmaasho wuxuu qayb laxaad leh ka yahay macaamilka iyo la jaanqaadka dunida casriga ah ee hadda loo jihaystay.

Marka laga yimaado sida ay u dhex mushaaxday dhammaan gobolada, degmooyinka, iyo tuulooyinka Somaliland oo ay si hagar la’aan ah ugu hagar baxday kuma koobna oo kaliya, balse dahabshiil group ay sidaa si lamid ah faracyo waaweyn oo waxtar u leh ku leedahay dalalka aynu dariska nahay sida Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Djabouti intaaba ay si waafiya uga shaqeyso bulshadana ay ku celiso hadba faaiidada ay ka hesho dadka ku nool dalalkaa ay ka shaqeyso.

Talaabooyinka Ku dayashada mudan waxaa kamida sawirkan aan usoo qaatay tusaale kooban, waa hooyo danyar ah oo ku sugan magaalada muqdisho sida igu maqaale ah, waxaa si kadis ah  ay waddo ugu kulmeen  Cabdirashiid Ducaale  oo ah masuulka ugu sareeya Shirkadaha Dahabshiil Group, oo ka dalbatay gacan qabasho iyo caawimo iyadoo sida idiin muuqata uu ku qaabilay waji furan iyo dabacsanaan ay ku dheehan tahay deeqsinimo dunwanaag iyo daacadnimo eebe u dhaliyey.

Aragtidayda gaarka ah waxaan qirayaa inay Dahabshiil group tahay shirkad la nool duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadkeedu, si qotodheer oo aan lagu cabiri Karin qalina ay ugu warhayso, inta tabaalaysan, waa talaabo mudan ku dayasho ay tahay in shirkadaha kale ee faceeda ahi ay kagaga daydaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories