HomeDagaalyahannada DAACISH oo goob kaliya ku Laayey 250 Askari oo Milatariga Suuriya...

Dagaalyahannada DAACISH oo goob kaliya ku Laayey 250 Askari oo Milatariga Suuriya ka tirsan (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Dagaalyahannada ISIS ee dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa mar kaliya qudha ka jaray 250 Askari oo ka tirsan Milatariga dalkaasi Suuriya, kuwaas oo lagu toogtay badhtamaha Lama-degaan ku yaala deegaan ka tirsan Bariga dalkaas oo badankiisu gacanta ugu jiro dagaalyahannada DAACIS .

ISISAskarta la laayey ayaa ka tirsanaa cutubyo milatariga Suuriya ah oo ka hawl-galayey Saldhigga Cirka Tabqa ee dawladda oo dagaalyahannada ISIS gacanta ku dhigeen, halkaas oo ay kula wareegeen diyaarido dagaal, taangiyo, noocyada hubka waaweyn ee dalal duwan iyo rasaasba, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa muuqaal ay iska duubeen dagaalayahannada ISIS.

Muuqaalka ay barta Internetka ku baahiyeen dagaalyahannada ISIS, ayaa muujinaya qaab fool-xun oo loo laynayo 250 Askari ee dawladda Suuriya, kuwaas oo inta la feedho-qaawiyey oo surwaal gaaban lagu soo reebay lays-daba taxay meel bannaan oo kju taala duleedka magaalada Raqba.

Waxa soo baxaya warar beeninaya tirada Askarta la xasuuqay inay ka yartahay 250, haseyeeshee muuqaal laga duubay meydadka askarta, waxa ka muuqda 150 Meyd ah.

ISIS22ISIS2

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

ISIS222Shabakadda Somalilandpost.net waxa ay ka cudur-daaranaysaa in aanay akhristeyaasheeda iyo bulshada kale ee Soomaaliyeedba halka ugu soo gudbin karin muuqaalka Video-ga laga duubay xasuuqa Askarta oo qof bani’aadamka ahi aanu u dul-qaadan karin.

Dagaalhannada ISIS ayaa gacanta ku dhigay Askarta iyo saldhigga milatari ka dib muddo todobaad ah oo dagaal ku dhexmaray Ciidamada dawladda ee ku sugnaa saldhigga Milatari ee Tabqa oo masaafo ahaan 25 KM u jira gobolka Raqqa ee ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada DAACISH.

ISIS221Dawladda Suuriya, ayaa markii laga qabsaday saldhigga ku adkaysatay inay ciidamadeedu uga baxeen si ay dib isugu soo abaabulaan, waxaanay tani muujinaysaa in markii dambe la baacsaday dabadeedna qudha laga jaray.

In kasta dagaalyahannada khasaare culus ka soo gaadhay dagaalka, saldhigga milatari ee gacanta u galay waxa ka dhashay cabsi laga qabo inay hantiyeen hub farsamadiisu aad u sarreyso iyo saanad milatari oo yaallay saldhigga.

Dagaalyahannada IS ayaa dhowaan dawlad islaami ah kaga dhawaaqay Woqooyiga iyo Bariga dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories