HomeDagaalo culus oo ka socda Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed ee dalka...

Dagaalo culus oo ka socda Magaalooyinka Sirta iyo Bin Waleed ee dalka Libya + SAWIRRO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tripoli, (SLpost)– Sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan dagaalo qadhaadh oo aan waxba la iskula hadhin ayaa ka soconaya magaalooyinka Sirta iyo Bin waleed oo ah labada goobood ee hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar al-Qadaafi iyo taageerayaashiisu wali xooga ku lee yihiin. Labadan magaalo ayaa sida la sheegay waxa ka socda dagaal jidadka iyo meel kasta lagu dagaalamayo.

blankInkasta oon la ogayn tirada khasaaruhu inta uu leeg yahay haddana waxa jira warar laga helayo labada dhinac oo muujinaya in dad badan ku geeriyoodeen, kuwo kalana ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa ay labada dhinac mid walba goonidiisa u sheeganayaa guulo wax ku ool ah oo uu ka gaadhay dagaalka.

blankKooxaha golaha ku meel gaadhka Qaranka Libya ee dhawaan talada dalka la wareegay ayaa mar hore oo jimcihii ah soo saaray qoraal ay ku sheegayaan in madaarka way nee magaalada Sirta ay gacanta si buuxda ugu dhigeen, waxa kale oo qoraalkooda lagu sheegay in ciidamadoodu ay si xoog leh ugu sii durkayaan gudaha magaalada Bin waleed, hasa yeeshee waxa ay muujiyeen in dagaal adag iyo wax iska celin xoogan ay ku jiraan xoogaga Qadaafi ka amarka qaataa.

blankLabadan magaalo ayaa muddo laba todobaad ka badan waxa ay kooxaha Libya qabsaday kula jireen wada hadal ay ku doonayaan inay is dhiibaan oo aanu dhiig kale ku daadan dagaalo kalana ka dhicin, hasa yeeshee waxa ku gacmo saydhay ciidamo ka tirsan kuwii Qadaafi oo ku sugan magaalooyinkaas kuwaas oo laga shakisan yahay inay kala hogaaminayaan labada wiil ee Qadaafi dhalay Sayf Al-Islaam iyo Khamiis oo iyaga magaalooyinkaas lagu sheegayay maalmihii u danbeeyay.

blankblankDagaaladan ayaa ku soo beegmaya xili dalkaas ay ku qul qulayaan wufuud caalami ah oo ka kala socda dunida oo ay ka mid ahaayeen, raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, madaxweynaha faransiiska Nicolas Sarkozy iyo raysal wasaaraha Turkiga Rajeb Dayib Ordokhaan oo isna maanta jimcihii dalkaas gaadhay.

blankblank

SomalilandPost News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories