HomeDagaallada Sokeeye ee Joogtada ah

Dagaallada Sokeeye ee Joogtada ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank
Abdixakiim Yuusuf

Siyaasaddu waa sida salaadda; bulshadii nasiib u hesha in nidaamkooda siyaasaseed xasilo, nolosheeda & mustaqbalkooduna wuu xasilaa. Bulshadii nidaamkooda siyaasadeed qalalaase & qas ku habsadona way fashilantaa. Somaliland waxay ku jirtaa marxalad adag oo gebo-gebo ah. Marxaladdan waxaa astaan u ah in dagaalkii xabaddu joogsaday bari hore laakiin dagaallo sokeeye oo kale oo joogto ahi bulshadeena ka dhex aloosan yihiin. Dagaallada sokeeye ee joogtada ahi waxay saameeyeen qayb & waax kasta oo bulshadeena ka tirsan. Waxaana sabab u ah jahli, xiqdi, cuqdad, qabyaalad, xasad, cabsi sad-bursi, kalsooni daro, amar-diiddo, cadaalad-darro, musuq-maasuq. Xannuunkani wuxuu xayiray horumarka bulshadeena & kalsoonida xukuumaddeena.  Tusaale: mushkilad kasta & muran kasta oo bulshada ka dhex aloosma (oo marka danbe badanaa nasiib wanaag lagu xaliyo sifo dhaqan & isu-tanaasul) beel-waliba & koox kasta waxay ku hanjabtaa inay adeegsan doonto awooddeeda qayaxan (veto power) ee iyagu isu caleemo saareen. Awoodahan qayaxan ee qalibi kara qaranimadeena waxaa ka mid ah:

(1)    Waddada Airport-ka baanu xidhan.

(2)    Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa anagaa iska leh.

(3)    Anagu Dekedda Berbera baanu leenahay.

(4)    Cid aan anaga ahayni Burco Maayor kama noqon karto.

(5)    PUNTLAND baanu ku biiraynaa hadii lana dooran waayo.

(6)    Calankii Soomaaliya baanu la soo baxayna.

(7)    Garoonka Kubadda Cagta ee Hargaysa anagaa iska leh.

(8)    Somaliland Buuhoodle ma iman karto.

Awoodahan qayaxani waxay kala qoqobeen qarinamadeenii waxayna burburiyeen kalsoonida bulshadheena, waxayna ku salaysan yihiin dagaalka sokeeye ee joogtada ah ee ku habsaday bulshadeena. Fadlan bal hoosta ka daalaco liiska dagaallada sokeeye ee joogtada ah ee ku habsaday bulshadeena:

(1)    Dhulka & baloodhada

(2)    Garsoorka

(3)    Degmooyinka & Gobollada Cusub

(4)    Shirkadaha Isgaadhsiinta

(5)    Shirkadaha Dayuuradaha

(6)    Fariiqadaha Diinta

(7)    Dhismayaasha Masaajiddada

(8)    Wershadaha Biyaha

(9)    Wershadaha Saabuunta ee Burco

(10)  Jaamacadaha

(11)  Derajada Ciidamada Qaranka

(12) Manhajyada Waxbarashada

(13) Wargeysyada

(14) Sariflayaasha Lacagaha Shisheeye

(15) Sicir-bararka Qiimaha Maceeshadda Daruuriga ah

(16) Kala xadayn la’aanta Ganacsiga

(17) Telefishinnada Satlaydka

(18) Websaydyada

(19) Shir Beeleedyada

(20) Xarbu qanamkii & Maxjarradii

(21) NGO-yada

(22) Mooshinnada Baarlamaanka

(23) Ururrada Siyaasadda

Mushkiladdan waxaa sabab u ah baqdin aynu ka qabno in derejada, digriiga, maamuuska, mansabka, magaca &  manfaca u soo kordha muwaadin kale ama deegaan kale ama beel kale ay  nusqaan inoo tahay. Waa sababta aynu wax walba u maax-jebinno, Iska daba rarno, Isla qaad-waleeno. Subxaanalalaah! Walaalayaal wixii muwaadin kale ama deegaan kale, amaba beel kale u soo kordhaa waa wax inoo soo wada kordhay. Waa deeq Eebbe. Mana haboona inaynu hindise walba ama ganacsi walba niyad jebino oo ku dayano: isku dayasho damac ma leh!

Xasadka & Hinaasuhu waa aaladaha Ibliiska.  Sannadka cusubna waxaa lagu maamuusaa hab-dhaqan cusub oo ku salaysan qaraar ama go’aan cusub oo la jaan-qaada waayaha cusub. Walaalayaal aan dhammaanteen hubka iska wada dhigno oo joojinno iska daba-rarka, ku hanjabaadda awoodda qayaxan & xasadka.


Abdihakim Yusuf Kheire,

President,

Institute of Democracy & Governance,

Berbera, Somaliland

abdihakim_365@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories