HomeDagaalka Siyaasadeed ee Ethiopia iyo Masar oo Wejiyo Cusub Yeeshay iyo Somaliland...

Dagaalka Siyaasadeed ee Ethiopia iyo Masar oo Wejiyo Cusub Yeeshay iyo Somaliland oo lagu soo daray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dagaalka siyaasadeed ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar isla-markaana Salka ku haya biyo-xidheenka Itoobiya ka dul-dhistay Webiga Niil, ayaa Maalinba weji cusub u gudbaya.

Bilihii u dambeeyay oo dhan waxa lagu guul-daraystay inay wada-hadlaan oo ay heshiis gaadhaan Dawladaha Suudaan, Itoobiya iyo Masar oo ka wada faa’idaysta Biyaha Webiga Niil, maaddaama oo uu khilaaf xooggani si gaar ah uga dhexeeya Masar oo Dadkeenu 90% biyaha ka helaan Webiga Niil iyo Itoobiya oo Webigaasi ka dul-dhistay biyo-xidheen ay ku baxday Adduun Lacageed oo ka badan 4 Bilyan oo dollar, si ay mustaqbalka uga dhaliso Tamarta Laydhka.

blankSababta ugu weyn ee heshiis loo gaadhi la’yahay, ayaa Warbaahinta dunidu waxay ku sheegtaa Itoobiya oo ka dhego-adaygaysa inay joojiso Biyo-xidheenka ama ugu yaraan dib u dhigto buuxintiisa oo laga cabsi qabo inay yarayso qulqulka biyaha gaadha Masar, taasi oo Masarna meel adag ka taagan tahay.

Laakiin, Siyaasiyiinta Maxaliga ah ee Itoobiya oo arrintan isha ku haya, ayaa qaarkood waxay sheegayaan in Masar ay sii xoojisay dagaal ay sheegeen inuu weligeedba ka dhexeeyay Itoobiya.
Obang metho oo ah Madaxa Urur lagu Magacaabo ‘Dhaqdhaqaaqa Midnimada’ oo xaruntiisu tahay Addis Ababa, ayaa maqaal dheer oo uu ku baahiyey Internet-ka, wuxuu ku sheegay in Masar beddeshay dagaalkeeda ka dhanka ah Itoobiya, isla-markaana ay dagaalkii ka dhigtay mid dadban, si ay u waxyeelayso Amniga gudaha ee Itoobiya iyo dhaqaalaheeda.

Wuxuu sheegay, in Masar doonayso inay xidho Marinada Ganacsi ee Itoobiya, gaar ahaan Dekedaha badda Cas, sida Somaliland, Jabuuti iyo Eritrea, si loo go’doomiyo Itoobiya, si taasi ugu suurto-gashana ay qas iyo amni-xumo ka abuurayso badda cas iyo Sues Kanal-ka, arrimahaasi oo dhan oo uu sheegay inay yihiin dagaal dadban oo ku socda Itoobiya.

“Tani waxay u dhigantaa dib u bilaabid iyo ballaadhinta dagaalka dadban, si loo go’doomiyo Itoobiya, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanb.” ayuu qoraalkiisa ku sheegay Obang metho, waxaanu intaa ku daray in Masar ay doonayso inay xanibto Marinada Ganacsi ee Itoobiya “Waxa kale oo ay isku dayeysaa (Masar) inay xidhnaadaan jidadka ganacsiga ee Itoobiya, sida dekedaha Badda Cas ee Ereteriya, Jabuuti iyo Somaliland…”

Obang metho oo qoraalkiisu dheeraa waxa kale oo uu ku sheegay in Masar arrimahaasi oo dhan fulintooda u isticmaalayso Siyaasad iyo Sirdoonkeeda.

@Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories