HomeDagaalka Qaadka Iyo Diblomaasiyadda, Xasan Sheekh Oo Kenya Dagaal Ku Qaaday Iyo...

Dagaalka Qaadka Iyo Diblomaasiyadda, Xasan Sheekh Oo Kenya Dagaal Ku Qaaday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post) Toddobaadyadan waxa gobalka Geeska Afrika ka socday dagaal diblomaasiyadeed oo ka dhashay qaadka loo yaqaano Miirooga.

 

hassan_siilaanyo

 

Dagaalkan oo u dhexeeya Somaliland, Somaliya iyo Kenya, waxa uu istaadhmay ka dib markii ay dawladda Somaliya ka damqatay hadalo uu baahiyay badhasaabka gobalka Meru ee dalka Kenya Mr. Peter Munya oo Hargeysa yimid bishii June ee sannadkan, kuwaas oo uu nuxurkoodu ahaa in Kenya qaadka Miirooga keento Somaliland islamarkaana kaga bedelato xidhiidh diblomaasiyadeed oo cusub iyo in Kenya u fidiso Somaliland nooc aqoonsi ah.

 

Dhawaaqa badhasaabka gobalka qaadka Miirooga waxa ka damqatay dawladda Somaliya oo saddex bilood ka dib go’aan ku gaadhay in qaadkaas Miirooga laga joojiyo Somaliya, iyadoo u muuqata inay cadaadis saarayso badhasaabka kenyanka ahi inuu ka noqdo hadalkaas uu hore u yidhi, waxaana go’aanka ay dawladda Somaliya qaadatay uu sababay mudaharaado ay sameeyeen ganacsatada qaadka Miirooga ee Kenya, kuwaas oo sabab u noqday inuu afka furto badhasaabka hore u yimid Hargeysa islamarkaana uu cadeeyo in naftiisu khatar ku jirto qaadka ay Somaliya joojisay dartii.

 

Wuxuu badhasaab Peter cadeeyay in go’aanka dawladda Somaliya ku keenay culays, waana ujeedadii ay Somaliya lahayd.

 

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu joojinta qaadka Miirooga, uga dan lahaa laba ujeedo. Waa marka koowaad’e inuu isku dhufto badhasaabka Kenya iyo xukuumadiisa si uu Mr. Peter uga noqdo mawqifkiisa iyo marka labaad oo ah inuu tuso inuu awood diblomaasiyadeed oo qaad ka dhalatay u isticmaali karo madaxda Kenya haddii ay isku dayaan inay soo dhaweeyaan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

 

Waxa kale oo ay farriinta Xasan Sheekh ku socotaa dhinac kale oo kasta oo isku daya inuu ka garaabo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

 

Marka ay sidaas tahay go’aanka dawladda Somaliya wuxuu si toos ugu socdaa umadda reer Somaliland, oo qaddiyadooda darteed dagaal diblomaasiyadeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu qaaday dawladda Kenya.

 

Haddaba, waxa ayaan darro noqotay oo ay dad badani isweydiiyeen sababta ay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu indhaha hoos ugu foorariyeen ee ay xataa uga hadli waayeen amaba ugu yaraan ay u qaadan waayeen go’aan kale oo diblomaasiyadeed oo ay ku muujinayaan awoodooda.

 

Ilaa haatan ma jiro Madaxweyne Siilaanyo iska dhaafoo, masuul ka tirsan dawladda Somaliland oo jawaab ka bixiyay tan iyo markii ay dawladda Somaliya cadaysay in qaadka Miirooga loo joojiyay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland darteed, halka ay wasiirada iyo masuuliyiinta kale ku mashquulsanyihiin ficiltanka siyaasadda gudaha iyo u jawaabista mucaaradka.

 

Madaxweyne Siilaanyo, waxa laga sugayay in qaranka loo doortay uu u raadiyo jidad iyo xal kasta oo uu kaga gudbo diblomaasiyadda dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin Madaxweyne lagaagama fadhiyin inaad aamusto oo ay shacabkaagii ku dhego barjoobaan dhawaaqyada ka soo baxaya dawladda Somaliya ee ku socda cid kasta oo xiise u qabta qaddiyadda Somaliland.

 

Aamusnaanta Somaliland waxay muujin kartaa oo ay dad badani u arki karaan dabacsanaan diblomaasiyadeed iyo inaanay xiiso badan u qabin xidhiidhka Kenya iyo Somaliland ee sahayan kara siyaasiga reer Kenya ee badhasaabka ah.

 

Somaliland waxa looga baahanyahay inay waajahdo furinta diblomaasiyadeed ee Kenya kaga furantay oo uu bud-dhige u yahay safiirka Somaliya ee Kenya oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. Somaliland waa inay muujisaa sida ay u danaynayso xidhiidhka ganacsi ee ay Kenya danaynayso oo sidoo kale aan lagu koobin jaadka ee loo sii talaabiyaa xidhiidh ganacsi oo sal leh oo u bilaabma Somaliland iyo Kenya taas oo siyaasiyan Somaliland wax weyn u taraysa.

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa waajib ku ah inaanu daawan dagaalada kala duwan ee uu ku gudo jiro Xasan Sheekh Maxamuud, waxase looga baahanyahay inuu fuliyo dhaartii uu qaranka u qaaday oo uu sameeyo wax kasta iyo isku day kasta oo uu qaranka kaga badbaadin karo dagaalada diblomaasiyadeed ee tirada badan.

 

Somalilandpost.net

Source Geeska Afrika

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories