HomeDagaalka Laascaanood: Jabkii Ugu Ballaadhnaa Oo Soo Gaadhay Kooxaha Huwanta iyo Guulaha...

Dagaalka Laascaanood: Jabkii Ugu Ballaadhnaa Oo Soo Gaadhay Kooxaha Huwanta iyo Guulaha Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Laascaanood (SLpost)- Ciidanka Qaranka ee Somaliland, ayaa guulo la taaban karo ka gaadhay Dagaal ballaadhan oo jihooyin kala duwan ay ka soo qaadeen kooxaha Huwanta ah ee Laascaanood, ayaa maanta ka dhacay gobolka Sool.

Malleeshiyaadka Magaalada Laascaanood oo taageero ka helaya Ciidamada maamul-goboleedka Puntland iyo Kooxo Argagixiso ah, ayaa maanta weerar is-maqiiq ah ku qaaday fadhiisimada Ciidanka Qaranku ku leeyahay Magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, gaadiid laga gubay iyo maxaabiis laga qabtay kooxaha huwanta ah.

Dagaalka oo subaxnimadii hore saaka ka bilaabmay Bariga Magaalada Laascaanood oo ay laba jiho ka soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka Puntland, ayaa sababay in khasaare baaxad leh la gaadhsiiyo ciidamada weerarka ku soo qaaday fadhiisimada Ciidanka ee Bariga Laascaanood sida Maraaga, Buurta Sayidka, Oodagooye, Buurta Hodan, Gambadha iyo Jabka Qoriga.

Kooxaha Huwanta ah ayaa sidoo kale weeraray fadhiisimada Ciidanka Qaranku ku leeyahay Xargaga, Xarunta Agoomaha, Kaalinta Ina Jabuutaawi, Baliga Calacal iyo Daray Madoobe, waxaanay wararku sheegayaan inay kooxaha Huwanta ahi khasaare baaxad leh kala kulmeen weerarka ay ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka, weerarradaas oo lagu tilmaamay is-maqiiq iyo is-biimeynta wax ay ku tilmaameen ‘Xoreynta Laascaanood”.

Weerarka Indho-la’aanta ah ee ay soo qaadeen kooxaha Huwanta ah, ayaa sababay inay tiro-beesho dhimasho iyo dhaawac xad-dhaaf ah oo soo gaadhay Kooxa weerarka soo qaaday, in kasta oo aanay jirin tiro sugan oo laga hayo khasaaraha soo gaadhay.

Wararka aanu ka helayno jiidaha hore ee fadhiisimada Ciidanka ayaa tibaaxay in dagaalka oo laysku gabbal-dhacday lagu jabiyey Kooxaha Huwanta ah isla markaana khasaare baaxad leh loogu geystay, waxaanay wararku tibaaxeen in maleeshiyaadka laga gubay 5 gaadhi iyo Afar fadhiisin oo lagala wareegay.

Jabka ka soo gaadhay iyo Khasaaraha ay dagaalka maanta kala kulmeen Kooxaha Huwanta Laascaanood, ayaa lagu tilmaamay kii ugu ballaadhnaa tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka ka socda gobolka Sool maadaama dagaalkani socday muddo ka badan 10 Saacadood oo xidhiidh ah.

Fadhiisimada Ciidanka Qaranku la wareegeen maanta, ayaa ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood, gaar ahaan Galbeedka iyo Bariga, waxaana wararku sheegayaan in Ciidanka Qaranku gacanta ku hayo dhammaan goobihii ay hore u joogeen kooxaha Huwanta ah marka laga reebo Jihada Koonfureed ee magaalada Laascaanood oo ah marinka ugu muhiimsan ee taakuladu u soo marto kooxaha Huwanta.

Wararka aanu ka helay magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe, ayaa sheegay in dhaawacyo iyo meydad tiro badan la gaadhsiiyey cusbitaallada Laascaanood iyo Garoowe, iyadoo la sheegay in khasaaraha ugu badan soo gaadhay Ciidanka iyo maleeshiyaadka Puntland.

Wararku waxa ay intaas ku dareen inaanay badnayn isla markaana kooban yahay khasaaraha dagaalka ka soo gaadhay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Ciidanka Qaranka Somaliland oo difaac ugu jira ilaalinta xuduudka iyo Qaranimada, ayaa dagaal kula jira Kooxo Huwan ah oo Isu bahaystay burburinta nabadda iyo casiloonimada ka jirta Somaliland, waxaanay kooxahani isugu jiraan maleeshiyo-beeleed u dhashay deegaanka oo taageero ka helaya Ciidamo iyo maleeshiyaad laga soo ururiyey maamul-goboleedka Puntland iyo sidoo kale maleeshiyaad ka tirsan Kooxaha argagixisada ah ee ka hawl-gala Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories