HomeDagaalka Gaza oo Khasaarihii ugu badnaa Gaadhsiiyey dhaqaalaha Israel, Wershayleyda iyo Beeralayda...

Dagaalka Gaza oo Khasaarihii ugu badnaa Gaadhsiiyey dhaqaalaha Israel, Wershayleyda iyo Beeralayda oo mag-dhow dalbaday iyo Jaah-wareerka taagan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

London (SLpost)- Waxa goobihii ay ka shaqaynayeen ee gobollada badhtamaha dalka Israel dib ugu laabtay 30% shaqaaliihii ka hawl-galayey Wershadaha dawladda iyo kuwa shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ku yaala goobo dhulka hoostiisa ah oo gaar ahaan loogu talo-galay xilliyada colaadaha, sida uu qoray wargeyska ugu afka dheer dalka Israel ee Haaretz.

Sida uu Wargeysku daabacay, waxa hoos u dhacay 40% Xooggii wax soo-saarka dalka Israel sababo la xidhiidha inaanay wershadahoodu haysan gabbood ku habboon in laga hoos-galo Gantaalada kaga imanaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

Wargeyska Haaretz iyo Idaacad laga leeyahay dalka Israel waxa ay tilmaameen in boqolkiiba 70 hay’adaha dawladda, Wershadaha iyo Beeraha laga beero dalalgyada kala duwani aanay wax shaqo ah qaban tan markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.

Warbixinta lagu baahiyey Wargeyska, ayaa lagu sheegay in Israel ay khasaartay 950 Milyan oo Dollar saddexdii todobaad ee horeeyey xasuuqa ay ku hayso shacabka Gaza.

Wershado dhowr ah iyo Beeraleyda dalkaas, ayaa wasaaradda Maaliyadda Israel ka dalbaday Mag-dhow laga siiyo khasaaraha ka soo gaadhay wax-soo-saarkooda hoos u dhacay.

Wariyaha diyaariyey Warbixinta Wargeysku qoray oo la yidhaahdo Antoine Shalhat, ayaa sheegay in gantaalada Iska-caabbinta ah ee Falstiiniyiintu ku ridaan gudaha Israel ay sababeeyey khasaare baaxad leh oo soo gaadhay dhaqaalaha dalka Israel, taas oo ku khasabtay shiradaha iyo wershadleyda inay ganacsigooda iyo mashaariicda u raraan dhinaca Woqooyi ee dalkaas oo la rumaysan yahay inay ka bad-qabaan gantaalaha ay ridayaan Ururka Hamaas. Wariyuhu waxa uu tilmaamay in tallaabadani ku keenayso shacabka deggen koonfurta nolol la’aan isla markaana ay ku khasabanaanayaan inay u guuraan dhinaca Woqooyi ee Israel.

Wasiirka Maaliyadda ee Israel Yair Lapid oo todobaadkii hore booqasho ku tagay Koonfurta dalkiisa, ayaa sheegay in wasaaraddiisu bixinayso mag-dhowga khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka Gaza, isaga oo sheegay in dawladda Israel ay ka samaynayso deegaamada Koonfurta Nidaamka Difaaca Gantaalaha si ay uga hortagaan ama u burburiyaan gantaalaha Xamaas.

Sida lagu xusay warbixin ay soo saartay waaxda Tirakoobka ee Israel bishii March ee sannadkan, gobollada Koonfureed ee Israel, ayaa wax-soo-saarka iyo badeecadaha dalkaasi dibadda u dhoofiyo ka ah boqolkiiba Siddeed.

Sannadkii 2013, badeecadaha iyo wax-soo-saarka dawladda Israel u dhoofiso waddamada Dibadda, waxa lagu qiyaasay 93 Bilyan oo Dollar.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories