HomeDagaal xooggan oo ka dhex-qarxay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ciidamo Weerar...

Dagaal xooggan oo ka dhex-qarxay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ciidamo Weerar kula wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Dagaal xooggan oo isugu jira mid siyaasadeed iyo mid gacan-ka-hadal ah ayaa u dhexeeya Xukuumadda iyo Barlamaanka Soomaaliya, dagaalkaas oo gaadhay in masuulyiintu isku eedeeyaan xurguf iyo weerarro hubaysan oo loola badheedhay Golaha shacabka Soomaaliyeed.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta HOL, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo fiidkii caawa shir jaar’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ay xoog kula wareegeen xaruntii Golaha Shacabka.

Prof JawhariXildhibaanno ka tirsan Golaha Baaralamaanka Soomaaliya, ayaa todobaadkii hore soo bandhigay mooshin xilka lagaga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawhari, iyadoo go’aanka arrintan lala xidhiidhiyey inay ka dambayso xukuumadda Raysal wasaare Kheyre, waxaanay tallaabadani soo bandhigtay khilaaf xooggan oo ka dhex-abuurmay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Prof Jawaari waxa uu sheegay in arrintan aanay aheyn oo kaliya in xilka laga qaado laakiin sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu fool xumeeyo Golaha Shacabka oo ah sida uu hadalka u dhigay saldhiga dowladnimada.

‘’Waxaan arkeynaa in laantii fulintu weerar ku soo qaaday Golaha Shacabka oo Mooshinkana gadaal ka riixeysa, waxaana la doonayaa in lagu qiimo tiro heybadda Baarlamaanka oo ah Golaha Sharci-dejinta, ’’ sidaas ayuu yidhi guddoomiye Jawhari oo la hadlayey saxaafadda fiidnimadii caawa.

Mar uu ka hadlayay asalka xasaaradda taagan ayuu sheegay in ay jiraan arrimo laga dalbaday in uu saxeexo oo dhibaato ku ahaa amaanka Golaha Shacabka, balse uu ka biyo-diiday, taasoo keentey sida uu sheegay in mooshin laga keeno.

‘’Waxaa jira arrimo leyga dalbaday in aan saxeexo oo aan diiday oo ka hor imaanayay ammaanada naloo dhiibtay, waana tan keentey in Mooshin la soo abaabulo,’’sidaas ayuu yidhi Prof Jawaari oo aan sheegin nooca dalabka loo soo bandhigay ee saxeexiisa laga doonayey.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidammada la duldhigey Golaha Shacabka, isaga oo sheegay in wixii dhibaato ah ee halkaa ka dhaca uu masuuliyaddeeda qaadayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net 

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories