HomeDagaal sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo Laba Beelood ku...

Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo Laba Beelood ku dhexmaray Degaan hoos yimaadda Degmada Oog

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somalilandpost NewsBurco (SLpost)- Afar qof ayaa ku dhintay, halka todoba kalena dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, ka dib markii maanta iska hor imaad hubaysani ku dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanka God-heeri oo u dhaxaysa Oog iyo degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Wararka ka soo baxaya dagaalkaasi ayaa sheegaya in 7 qof ee ku dhaawacmay ay afar ka mid ah dhaawacoodu culus yahay isla markaana caawa la geeyay cisbitaalka guud ee magaaladda Caynabo oo isla caawaba looga sii gudbiyay cisbitaalka Burco, halka sadexna kalena la soo weriyay in dhaawacoodu sahlan yahay oo aan wali laga soo qaadin jiidii iska hor imaadku ka dhacay.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in shaqaaqadani ay salka ku hayso muran Ceel biyood iyo dhul oo u dhaxeeya labadaasi ardaa oo ah wada degan deegaankaasi.

Ciidammadda qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay bariga dalka ayaa la sheegay inay gaadheen jiidii dagaalku ka dhacay isla markaana la kala dhex dhigay labadii beelood ee shaqaaqadu dhex martay.

Wararka ka imanaya deegaanka ayaa shabakadda Somaliland.Org u xaqiijiyay in gurmad kala duwan oo iskugu jira xukuumadda Somaliland, Madax-dhaqameed iyo waxgarad kale ay caawa illaa galabta u baxeen deegaanka dagaalku ka dhacay si ay u joojiyaan colaada halkaasi ka aloosan.

Somalilandpost.net

Burco,Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories